DHAGAYSO:-Puntland oo Heshiis Dhinaca kaluumaysiga ah la gashay Jabuuti iyo Yeman

130

Gaalkacyo (Pes):Hshiis ah in ay ka kalluumaystaan Baddeena ayey dowlada Puntland ee uu madaxda ka yahay Dr Cabdiwali Maxamed cali Gaas la gashay wadamada Yemen iyo Jabuuti. Heshiiskaas waxaa cabasho xoog leh ka bixiyey dhamana shacabka Puntland gaar ahaan kalluumaysatada reer Puntland iyagoo aysan xukuumada uu hogaamiyaa Dr Gaas u soo bandhigin shacabka heshiiska oo faahfaahsan.

 

Waxaa waqtigan xaadirka ah ka socda Baddeena boob iyo Xaalufin ay qaarna xukuumada Gaas ogtahay qaarna aysanba ka warhayn. Yemen oo Beddeedii soo liqday in aynu u fasaxno in ay Baddeena xaalufiyaan waa Mas’uuliyad daro ay samaysay Xukuumadu.

Jabuuti iyadu waxay dilaal u tahay shirkado farobadan oo aan waxba hambaynayn. Su’aashu waxaa weeye Xukuumada uu madaxda ka yahay Dr Gaas ma saanaamay noqotay mas’uuliyadii dalka ka saarnayd.

Soow ma ahayd in ay ilaaliso danaha dadkeena gaar ahaan kalluumaysatadeena?

 

Agaasimaha wasaaradda kaluumaysiga iyo khayraadka bada Puntland ayaa isagoo lahadlayey idacada Radio Gaalkacyo waxaa uu ka warbixisay Heshiisyo dhinaca Kalluumaysiga.

Agaasimaha ayaa sheegay in wadamada jabuuti iyo yaman ay ka kaluumaysan karaan bada Puntland.

Wuxuu kaloo Agaasimaha isagoo waxyaalo badan daboolaya qiray qaladka ay ka gashay xukuumadu Dalka.

Agaasimaha ayaa waxaa waraysi layeeshay wariye Axmed Cali Kilwe oo ka tirsan Idaacad Radio Gaalkacyo.

Halkan ka Dhagayso waraysiga

Puntlandes.com

About The Author