Dawlada Federalka ah baa sheegtay in waqti lagu daray wada hadalkii ay la lahayd dowladda Puntland.

130

Dadka reer Puntland oo dhami waxay sugayeen haddalka ka soo baxaya dawladda puntland, hadalkaas oo ku saabsan go,aanka ay qaadanayso mar hadii shuruudihii ay ku xidhay wadahadal ganafka lagu dhuftay. Ilaa hadadana  aan ju laga hayn, waa Puntland eh.

Dad badan baa waxay is waydiinayaan maxaa ka si ah Dawladda Puntland ee uu hogaanka u hayo C/ wali Maxamed Ali Gaas oo ah nin lugu bartay dabeecadaan ah i uu hoos u dhamaysto wuxuu isaga dantiisa moodayo, isaga oo aan haba yaraatee wax tixgelin ah siin bulshada dooratay ee Puntland iyo waliba hay’adaha isaga xukunka la wadaaga, sida Baarlamaanka.

Halkii reer Puntland ka sugayeen hadal iyo ficilka xiga oo ka yimaada  dhinaca Puntland, ayaa  waxaa yaab iyo anfariir ku noqotay hadalkii dawlada Xamar oo aad moodo in ay ninkan Puntland hadda hogaamiya ay iyagu meesha keensadeen oo ay ku xukunto wax kasta oo uu samanayo (tusaale waxaa noogu filan  amarkii lagu siiyey in uu fedral-diidkii ugu qabto shir Garowe). Iyo waliba kalsoonida ka muuqata markii ay dawlada Xamar ay sheegtay in shirkii dib u dhacay. Waxay yiraahdeen wada hadaladii anaga iyo Puntland dib baan u dhignay.

Waa yaabe umaba eka in ay iyagu yihiin qolyihii shuruuda lagu xiray, waaba iyagaa marna dib wax u dhigaya, marna aanba waxba ka soo qaadayn hadalka CabdiWali, ee maaweelada reer Puntland ahaa  (oran mayo hadalka Puntland, sabatoo ah reer Puntland iyagaa markii hore khasbay in lala xisaabtamo Xamar, Hadana waxay ila tahay in ay la sugayaan marka uu furmo Barlamaanku).

Wada hadalka ay hadda Xamar garwadeenka ka tahay, markii uu waqtigii loo qabtay uu micna la’aan iyo wax kasoo qaad la’aan ku dhamaaday, ayay iyagu hadda waqti shii ah qabsadeen. Laakiin hadii dadka reer Puntland u daayaan Gaas sidatan, maxaad u malaynaysaan in ay  kasoo bixi karaan.

Waa wax kamajiraan iyo maaweelo loo dhigayo reer Puntland in uu wada hadal imaanayo, Haday hada meel isugu tagaana, afka uun baa laga sheegin in la heshiiyey uune wax dhab ah oo nimankan Xamar ay ogolyihiin in aanay jirin awalbaaba la ogaa.

Waxaa lawada og yahay in dhawr sano ay diidanaayeen in ay dadka wax la wadaagaan oo wixii lagu heshiiyey ay tixgeliyaan. Maxaad moodaa hada oo ay heleen hogaan dadka reer Puntland ku khatalmeen oo iyaga uun baa iska daba socda

Bal iskadaa in ay ka xishoodaan oo ay haba yaraatee iska dhigaan in ninku wax la xisaabtamayo oo ay meel la fariistaan waaba ka faanayaan in ay isku ag sawiraan oo waxay ay rabaan Xamar bay taleefoon uga dhamaystaan. Dad badan oo reer puntland ah waxay mararka qaarkood is yiraahdaan waxani wax kabadane oo xataa qof sixran kama suurtowdee tolow ninkaan ma faraa laga hayaa??

Waxaan taa fasirkeeda udaynayanaa dadwayna reer Puntland.

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
info@puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author