Daawo Video: Guddiga Doorashada oo go’aa,miyey in Muqdisho lagu doorto Xildhibaanada Hiiraan & Sh/dhexe & Ugaas Xasan oo diiday

26 sept 2016 (Puntlandes) Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay goobta lagu soo xulaayo xildhibaanada Gobollada  Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha Guddiga oorashooyinka dadban Cumar Cabdulle Dhagey ayaa sheegay in magaaladda Muqdisho lagu qaban doono Doorashada xildhibaanada Baarlamaanka ee Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiye Cumar Dhagay ayaa sidoo kale xusay in odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada ay si weyn u soo dhawaynayaan in xildhibaanada Ka imaanaya Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe lagu doorto magaalada Muqdisho.

Ugaas Xasan oo ku gacansayray Go’aankii Guddiga Doorashooyinka

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif  oo ka mid ah Duubabka dhaqanka ee Gobolka Hiiraan, ayaa ku Gacan-seyray Hadalkii Maalintii Shalay ka soo yeeray Guddiga hir-gelinta doorashada heer Federaal ee dalka oo go’aan ku gaaray in xildhibaanada Baarlamaanka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe lagu soo xulayo Muqdisho.

231-3a7
Ugaaska, ayaa sheegay in marar badan oo hore ku celceliyeen sida ay wax u doonayaan balse sida uu hadalka u dhigay Dowladda Federaalka Soomaaliya iska dhaga-marisay dalabkooda, isaga oo dhinaca meesha ka saaray jiritaanka tirada duubabka dhaqanka guddiga doorashadu sheegeen in ay go’aankaa qaateen.

Puntlandes.com

About The Author