Sawirro: Kulanka soo bandhiga siyaasadda Deegaanka ee Puntland

Wasaaradda deegaanka iyo duur joogta ayaa waxaa ay soo bandhigtay Siyaasadda lagu maamulayo, guud ahaan arimaha deegaanka Puntland, kulanka ayaana ka dhacay magaalo madaxda Dowladda Puntland ee Garoowe.
Wasaaradda ayaa Muddo ku mashquulsanayd baahinta siyaasadda deegaanka ee ay wasaaraddu soosaartay, iyadda oo Gobolada laga soo aruuriyeye, xog ku saabsan hirgalinta iyo dajinta siyaasadda deegaanka.

Kulanka oo ahaa kulan aad muhiim badbaadinta deegaanka Puntland, waxaa kasoo qayb galay masuuliyiinta wasaaradda, Wasiirka wasaaradda, Wasiirk Kuxigeenka wasaaradda, agaasimaha guud ee Wasaaradd iyo Xubno kale oo wasaaradda ka socday, oo ay ka mid ahaayeen Khuburo ka tala bixisa arimaha deegaanka, sidoo kale waxaa iyagauna qayb ka ahaa qaar ka mid ah madaxda dagmooyinka iyo xubno ka kala socday Gobolada iyo dagmooyinka Puntland.

Wasiirka wasaaradda Deegaanja Cali Xaaji Warsame, ayaa sheegay in ay u qorshasantahay in siyaasaddaan lagu dhaqmo 10sano oo soosocta, Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa.

“Siyaasadda halkan lagu soo bandhigay Toban sanno oo soo socota in lagu shaqeeyo ayaa la doonayaa, dibn loo eego 10 sanno ka dib, haddii wax lagu darayo ama laga dhimayo. Markaa waad garan kartaa meesha aanu joogno iyo meesha aanu u socono, Labada waxaa qeexaya waa siyaasadan weeye”

Dood dheer ka dib, waxaa ay ergooyinkii la xulay ka doodeen siyaasadda deegaanka, taas oo ay horay fikirkooda uga soo dhiibteen intooda badani, ugu danbayntii halkaas ayaa lagu ansixiyey Siyaasaddii lasoo bandhigay oo ay aad uga sooshaqeeyeen xubnihii u qaabilsanaa wasaaradda dagjinta siyaasadda deegaanka.

Daawo Sawirro.

01-768x512 02-768x512 04-768x512 05-768x512 011-1-768x512 012-768x512 013-768x512 016-768x512 dsc0051

About The Author