XOG RASMI: Puntland oo ka bad baaday Cinqilaab Ciidan.

Xaaladda magaaladda Garoowe ayaa wali sabaynaysa, inkasta oo amaanka ad oo adkeeyey, ayna daganaan guud ka muuqatto magaalo madaxda iyo magaalooyinka waaweyn ee Puntland, misana waxaa wali socda guux hoose oo dhinacyo badan Xiriir la leh.

Cinqilaabkii labaajiyey.

Sida aan ku helay warbixin Dowladda la doortay ee uu Hogaaminayo Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa ay ka bad baaday, Cinqilaab lagu doonayey in laga wareejiyo xukunka Dowladda Puntland, kaas oo ay soo abaabuleen kooxo ka tirsan qaybaha kala gadisan ee daraawiishat iyo Sirdoonka hubaysan.

Qorshihii Cindilaabka.

Wixii ka danbeeyey 22kii Bishaan September, waxaa magaaladda Garoowe looga yeeray dhamaan ciidamadii daraawiishta ee ka tirsanaa xeryaha kuyaal magaaladda Garoowe, Ciidamada lagu xereeyey Xeryahooda ayaa waxaa ay tirsanayeen Dayac aad u farabadan, kaas oo kasoo wajahay dhinaca dowladda.

23kii Bisha waxaa magaaladda Gaalkacyo ka guuray ciidankii Sirdoonka Hubaysan ee PIA, kuwaas oo ku xarooday xeradoodii hore ee Garoowe, sidoo kale waxaa horay usii raacay, dhowr kooxood oo ka kala tirsanayaa Talisyo kala gadisan oo fariisin koodu ahaa Garoowe.

Sida ay wakaaladda Puntlandes Xog ku heshay, waxaa jiray wadahadal hoose oo dhex maray saraakiisha ciidamada kala gadisan ee Puntland, kaas oo salka ku hayey sidii ay ku heli lahaayeen xuquudda kamaqan ee ciidan nimo, taas oo ugu danbayntii la dhaafi weyday in aysan marna helayn inta ay joogta Xukuumadda Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas.

Go’aankii ugu danbeeyey ayey ku qaateen, dhamaan xarumaha looga taliyo dowladda, Madaxweynahan, lagu hayo Madaxtooyada ilaa uu xilka iska casilo, dibna loo galo Doorasho Cusub.

Cinqilaabka ayaa la qorsheeyey in uu dhaco 25, Sep, 2016, Sacadda 1:00AM, iyada oo ciidamada loo kala qaybiyey xarumaha Dowladda, Xarumaha loo qorsheeyey ciidamada gaarkaa ayaa ahaa, Madaxtooyada, Aqalka Baarlamaanka, Bangiga, Xarunta wasaarada Isku rarantaa, Saldhigyada Booliska iyo Saldhigyo lagu ogaa ciidamo dowladda ah, oo aan Qorshaha Qayb ka ahayn.

Baaqashadii Cinqilaabka.

Cinqilaabka oo ku salaysnaa gadood ciidan iyo xirfadda aqoon cinqilaabeed oo yarayd, ayaa waxaa ay sahashay in ay xogta hesho madaxtooyada, oo isku dayday in ay kala bur buriso hogaamiyayaashii cinqilaabka, ama hesho cudud ciidan oo ay kaga hortagto, hase yeeshee arintaasi waxaa ay noqotay Ciya waa ka baryey, Ciidan lawaa, Xarigu meesha uu ka xiran yahayna lawaa, xaaladduna waay adkaatay.

Madaxtooyada ayaa xogta heshay Habaynimadii 24, Sep, 2016, Sacadda 6:30PM, waxaana la waayey Ciidad ay madaxtooyadu ku kalsoontahay oo caasumadda soo gaari kara ka hor Cinqilaabka.

Markii la qorsheeyey in xukuumadda hadda Jirta talada laga qaado, saraakiishii ciidanka ee qorshahaas isla garatay, iskuma aysan raacin cidda rasmigaa ee hogaanka wadanka sii qabanaysa, inta laga gaarayo Doorasho dag dag ah, taas oo dhalisay walaac xoogan.

Hadaba waxaa ala raacay wadadii ay Puntland Caanka ku ahayd ee ISIMADA, waxaa ay madaxtooyadu la xiriirtay Isamadii Puntland ee Garoowe ku sugnaa, kuwaas oo dhexda u xirtay in aysan arintaani dhicin, kadibna la kulmay Sakiishii wax badana ka dhaadhiciyey, una balan qaaday in ay mas’uul ka noqon doonaan tabashadooda sidii loo xalin lahaa.

Isimada ayaa ku guulaystay in ay ka dhaadhiciyaan in Arinka la dajiyo, inkasta oo ay ku adkaatay in ay xal u helaan ciidanka Sirdoonka Hubaysan (PIA), kuwaas oo markii ay aqbaleen in ay ka laabtaan go’aankii Guud ku adkaystay, in aysan ka laabanayn in ay Joojiyaan lacag ay sheegeen in ay Bangiga dhexe ku jirto oo Madaxtooyada loo saarindoono 27ka Bisha.

Dadka wax badan ka yaqaan qorshaha Cinqilaabka ayaa sheegaya, in Arinkaasi uu fishilkiisu ahaa Sadex qodob.
1. Saraakiisha ciidanka oo aan lahayn Ujeed ka fog tabasha.
2. Hogaanka ay wadanka u dhiibayaan oo aan la aqoonsanayn.
3. Ciidamada oo ku salaysan hanaanka qabiiliga ee Burburku keenay.

Gaba gabdii.

Inkasta oo uu Fishilmay cinqilaabkii lala damacsanaa Madaxweyne Gaas, misana waxaa soo laalabanaya cabshada ciidanka, taas oo markasta Khal khal galisa magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.
Sanadkii hore ayey ahayd markii ay marqura Puntland isku aragtay kacdoon Ciidan, oogaaray heerkii ugu sareeyey Abad, Boosaaso, Gaalkacyo iyo Garoowe ayeyna ciidamado kacdoon kasameeyeen, iyaga oo Mushaarkoodii waayey 8 Bilood, Haatan ayey la’ayihiin 7 Bilood.

About The Author