Gaalkacyo: Hakee marayaa Dhismihii Maxjarka kala wareejinta Xoolaha ee Gaalkacyo.

Gaadiid Badeeco sida oo taagan Kantaroolka Waqooyi ee Gaalkacyo

Magaaladda Gaalkacyo waxaa ka socda, dhaq dhaqaaq lagu doonayo in lagu hirgaliyo dhismahada Maxsharka kala wareejinta xoolaha u kala kooshaya gudaha Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, oo soogaaray magaaladda Gaalkacyo ayaa waxaa uu kulamo la qaatay ganacsata Magaaladda Gaalkacyo labadeeda Gadi, waxaana ay ka wada hadleen arimo khuseeya Maxsharka kala wareejinta xoolaha.

Waxaana uu usoo bandhigay qorshaha dowladda Puntland, ee ay ugu tala gashay in lagu fududeeyo ganacsiga iyo isu socodka gaadiidka dowladda Puntland iyada oo la doonayo in la is waafajiyo amaanka iyo ganacsiga, muhiimaddana lasiinayo amaanka.

Inkasta oo ay Dowladda Puntland Gacanta ku haynayso, maamulaysana xarunta Maxsharka, misna waa meel ay si furan uga wada shaqaysan karaan dhamaan shacab weyneha magaaladda Gaalkacyo iyada oo aan Maamul iyo Qabiil toona loo eegi doonin.

Maal maha fooda inagu soo haya ayaa la filayaa in la bilaabo dhismihii Maxsharka, iyada oo ay sidoo kalana feer socoto xarunta kala wareejinta badeecada, oo iyadana laga dhisayo bakhaaro lagu kaydiyo oo waaweyn.

Ganacsatada ayaa arinkaan aad usoo dhaweyey iyaga oo fikirkooda ku darsaday, sida guul wanaagsan oo hor marineed looga gaari lahaa amuurtaas.

Lasoco wixii lasoo kordha.

 

About The Author