Cadaado: Banaanbax aad u balaaran oo ka dhacay Magaaladda Cadaado.

Banaan bax aad loosoo agaasimay ayaa ka dhacay Magalaadadda Cadaado, banaan baxaan ayaa waxaa looga soo horjeeday hab dhaqanka iyo Nolol xumada Xabsiyada lagu hayo dhalin yarada Soomaaliyeed, ee ku xiran Dalka dibaddiisa.

Kasoo qay galayaasha banaan baxaan ayaa waxaa qayb ka ahaa, Ehelo iyo Qaraabo Qaar ka mid ah dhalinyaro ku xir xiran Dalka Hindiya, ku waas oo lagu eedeeyey in ahaayeen Bur cad badeed, ayna kasoo baxayaan warar kala gadisan, oo sheegaya in ay maxkamadi ku riday Xukunno u dhexeeya dil iyo Xabsi Daa’in.

Kasoo qayb galayaasha ayaa sheegay in ay doonayaan, in Dowladda Soo maaliya ay iska xil saarto, sidii ay dhalin yaradaasi ugu soo laaban lahaayeen Dalka Soomaaliya, waxaa kale oo ay cod sadeen in kuwa xukuman ay xukun kooda ku qataan Gudaha Soomaaliya.

Banaan baxaan ayaa waxaa uu salka ku hayaan, cabashao joogto ah oo kasoo yeeraysa dhalinyarad Soomaaliyeed ee ku xiran dalka dibaddiisa, kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwo ay xukuntay Maxkamadda Dalka Kenya, walina ku xiran halkaas, waxaa kale oo kamid ah, tiro Dhalinyaro ah oo ku kala xirara Dalalka Carabta, kuwa Yurub, Hindiya, Siishalis iyo meelo kale.

Sawirro.

unnamed-2-3 unnamed-3-3 unnamed-4-3 unnamed-6-2 unnamed-8-1 unnamed-9 unnamed-10

About The Author