Gaalkacyo: Warkii ugu Danbeeyey Dagaalkii Bariga magaaladda Gaalkacyo

Magaaladda Gaalkacyo ayaa waxaa maanta ka jira, dhaq dhaqaaq aan horay loo arag kaas oo ka danbeeyey, ka dib markii xalay uu dhacay dagaan saacado qaatay oo ka dhacay Bariga magaaladda.

Warka ugu danbeeyey ayaa sheegaya, In ciidanka Amaanka Dowladda Puntland ay soo afjareen, hawl gal ay ka Fuliyeen meel aan aad uga fogayn magaaladda Gaalkacyo.

Ciidank Sirdoonka Dowladda Puntland, ayaa muddooyinkii ugu danbeeyey waxaa ay ka digayeen weeraro qorshaysan, oo ay xarakada Shabaab la maakantahay Baro gaar ah oo ay dagan yihiin ciidamada amaanka Dowladda Puntland, waxaana socda baaritaano iyo daba gallo, ay samaynayeen Sirdoonka.

Ugu danbayntii ayaa ciidanka Sirdoonku, waxaa ay gacanta ku dhigeen nin looga shakisan yahay in uu xubin muhiim, dhaq dhaqaaqa haatan ka socda magaaladda Gaalkacyo, qabashada ninkaas waxaa xigay Hawl galkii xalay lafuliyey, kaas oo ay Puntland ka sheegatay Guul.

Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa la sheegay in wax laga waydiiyey Ciidamadaan iyo waxa ay yihin, ayna ka gaabsadeen in ay wax faah faahin ah ka bixiyaan, iyaga oo sheegay in aysan aagaas uga jirin wax ciidan beeleed ah oo ay ogyihiin.

Maamulka Galmudug ayaa dagaalka ka dib waxaa ay sheegeen in Puntland ay ka laysay dad xoolo dhaqato ah.

Puntland.

Inkasta oo ciidanka sida gaarkaa u tababaraan ee Dowladda Puntland, uu hawl galkaan Fuliyey, ayana ka sheegteen guul in uu kusoo dhamaaday. Hawl galka waxaa ka horeeyey baaritaano iyo dagallo ay sameeyeen ciidamada Sirdoonka Puntland, kuwaas oo xogo badan helay.

Shalay, 27,Sep,16, galab nimadii ayaa ciidanku waxaa ay qabteen, nin la sheegay in uu muhiim ka ahaa xoogaga doonayey in ay soo weeraraan xarumaha dowladda, ninkaan ay dadku sheegayaan, in uu qayb weyn ka qaatay dagaalkaii Garacad ay kusoo qaadeen Xarakada Al-shabaab.

Khasaaraha Dagaalka.

Dhinaca Ciidankii laga shakisanaa: sida ay xaqiijinayaan dad goob joogayaal ah iyo kuwo booqday Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo, waxaa dagaalka ku dhimatay 9nin oo ka tirsanaa ciidanka laga shakiyey, dhaawaca ayaa kor udhaafay 17ruux, Sidookale waxaa lagu gubay 1gaari oo nooca dagaalka ah, halka wararku ay intaas ku darayaan, laga Qatay 1gaari oo kale, sidoo kalan la qab qabtay rag nool nool oo aan wali tiradooda la sheegin.

Ciidanka Difaaca Puntland: Sida ay kaaladda Puntlandes ka xaqiijisay goobaha caafimaadka, majiraan wax dhaawac ah, oo la keenay goobahaasi, sidookale majiraan wax dhimasho ah oo la xaqiijiyey.

Dadka dagaalada khibradda uleh oo aan arintaan wax ka waydiinay ayaa noo sheegay, in sababta khasaaraha ku yaraysay ciidank Puntland ah tahay, Tababarkooda iyo weerarka oo aad looga taxadaray.

Xaqiiqda Dagaalka.

Ilaa hadda ma jiraan cid si rasmi ah u cadayn karta dagaalka iyo ujeedkiisa, inkasta oo ay dadku isla dhex marayaan in uu dagaal u dhexeeyey Xarakada Al-shabaab iyo ciidanka Difaaca Puntland, misna waxaa arinkaas beeninaya Galmudug oo sheegtay in ay Puntland weerartay Xoolo dhaqato, Halka Dhinaca Puntland aysan jirin cid kahadashay arinkaas.

Madaxda Dowladda Puntland ayaa la filayaa in ay ka hadlaan Hawl galkii Xalay, ujeedkiisa iyo meesha uu ku danbeeyey.

Lasoco wixii sookordha.

About The Author