Wasiirka war faafinta DF oo canbaareeyey Dilkii Wariye (Xaaji).

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir
“Maareeye” ayaa si kulul u cabmeeyay dilka Wariye Cabdicasiis Max’ed Cali Xaaji oo ka tirsanaa howlwadeennada Shabakadda Warbaahinta Shabeelle, kaas oo galinkii dambe ee maanta kooxo hubaysan ay ku dileen degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa sheegay in falkaas uu yahay mid si wayn uga soo horjeeda Islaanimada iyo Aadaminnimadaba, waxa uuna xusay in dowladda Soomaaliya aysan meel uga hari doonin kuwii ka dambeeyay dilka wariyaha islamarkaana sharcigana la hor keeni doono.

Wasiirka ayaa sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray Ehelada iyo Qaraabada uu ka baxay wariye Cabdicasiis Xaaji, waxuuna Alle uga baryay in uu ka waraabiyo jannatul fardowso.

Falalka noocaan oo kale ah ee lagu dhibaateeyo wariyayaasha ayaa aalaba ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho, waxaana inta badan sheegta kooxaha nabad diidka ee ku howlan daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee aanan waxba galabsan.

About The Author