Madaxwayne Gaas oo madaxtooyadda ku qaabilay Sarkaal ka socda UNSOM

130

Garoowe (Pes) Madaxwaynaha DowladdaPuntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Xafiiskiisa Aqalka Madaxtooyada  kula kulmay Agaasimaha Mashruuca Sharciga , Kala Dambeynta iyo Nabadgelyada UNSOM ee Soomaliya Mr.Waldemar Very.

 Qodobada Muhimka ah ee Ka Soo Baxay Kullanka Waxaa Kamid ahaa :-

1:Dardar Galinta Mashaariicda Horumarineed ee UN-ta u Hayso Puntland.

2:Horumarinta Sharaciyada ,Kaladambeynta iyo Nabadgelayada (Role Of Low & Security Institutions Group ).

3:Taaba Gelinta Mashaariicda Horumarineed ee Hay’adda UNSOM ka Wado Puntland oo ay kamid yihiin:

 

B:Tayaynta iyo Tababarka Booliska Puntland

T:Tayaynta Hay’addaha Garsoorka Puntland

J:Kor u Qaadida Tayada Ciidamada Asluubta Puntland

X:Kor u Qaadida Xanaanaynta Maxaabiista Ku Xiran Xabsiyada  Puntland.

 

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay Siyaasada xukuumadiisu in tahay wada shaqayn dhow oo ay la yeelato Hay’adda UNSOM iyo dhamaan Hay’addaha Caalamiga ah ee ka Howlgala Puntland .

 

Madaxda Hay’adda UNSOM ayuu Sidookale Madaxwayne Gaas kula dardaarmay in si hagar la’aan ah waxqabad muuqda ugu qabtaan Shacabka Puntland, taasina ay tahay Mowqifka cad ee Dowladda Puntland.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

 310

311

Puntlandes.com

About The Author