Daawo: Wasiir ku xigeen ka tirsan Puntland oo xilkiisii ku waayay eedayn uu u jeediyay Xaabsade

130

Bosaaso(Pes) Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay madaxtooyadda Puntland ayaa sheegaya in madaxwayne Gaas uu xilkii ka qaaday wasiir ku xigeenkii wasaradda Dekada iyo gaadiidka bada Cabdirashiid Gaani Cali oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobaladda Sool iyo Sanaag.

Gaani ayaa waraysi uu siiyay warbaahinta ku dhaliilay Axmed Cabdi Xaabsade oo ka mid ah raggii gacanta u galiyey magalada Laascaanood mamulka Somaliland, wuxuna sheegay joogitaankiisa Garowe inaysan wax badan oo mane ah soo kordhin karin isla markasna aysan jirin cid uga yeertay Somaliland.

Sabata xilka uu ku waayey Wasiirkuna waa dhaliishuu dhaliilay Oday Xaabsade.

Daawo waraysiga sababay Cabdirashiid Gaani in xilka looga qaado.

Puntlandes.com

 

About The Author