Gaalkacyo: Saraakiil alshabaab ah oo ku dhintay iyo kuwo laguqabtay Howl galkii Gaalkacyo laga Fuliyey Xala.

Wararkii ugu danbeeyey ee kasoobaxay hawl galkii laga fuliyey bariga Gaalkacyo, ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkaas lagu dilay, laba sargaal oo katirsanaa xarakada Al-shabaab.

Sida ay wararku xaqiijinayaan, labada sargaal ayaa kasoo kala Jeeda Galmudug iyo Kenya, halka dadka qaarkood leeyihiin Waa Sudan, waxaa kale oo la sheegay in ay qorshaynayeen in ay weerar ku qaadaan, xarumaha Dowladda oo ay kamid yihiin Garoonka Diyaarada, Saldhiga ciidanka Difaaca Puntland.

Ilaa iyo hadda Madaxda Dowlad goboleedka Galmudug ka aysan hadlin, inkasta oo ay warbaahinta Galmjudug qorayaan in aysan Al-shabaab ahayn ciidankaan.

Maahan markii ugu horaysay ee ay Al-shabaab dagaal kusoo qaadaan Xuduudaha Puntland, iyaga oo soo dhex maraya xudduda Badda iyo Biriga ee Galmudug, waxaana ay tani muujinaysaa Xiriirka dhow ee ka dhexeeya Galmudug iyo Al-shabaab.

About The Author