Dowlada Kuwait oo gacan siineysa Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya.

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Sareeyo Gaas Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini , ayaa gaaray magaalada Kuwait ee caasimada dalka Kuwait, waxaana dalkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyin katirsan Dowlada Kuwait.

Wasiirka Gaasaandiga Soomaaliya ayaa wafdiga uu hogaaminayo waxaa kamid ah Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka S/Gaas Maxamed Adan Axmed, Taliyaha Ciidanka Cirka S/Guuto Maxamed Sh Cali Maxamud, Taliyaha Ciidanka Badda Madey Nurey Sheekh iyo Saraakiil kale oo katirsan Ciidanka Xooga Soomaaliyeed.

Wafdiga Wasiir Diini ayaa kulan gaar ah waxa ay Qasriga Madaxtooyada Kuwait kula qaateen Amiirka Kuwait Sheekh Sabax Al-Axmed Al Sabaaxla, waxa uuna Amiirka wafdigan uu la kulmay u balan qaaday in ay Dowladiisa taageeryso ciidanka Xooga Soomaaliyeed.

Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya Dalka Kuwait ayaa sheegay in Dowlada Kuwait ay u balan qaaday Masuuliyiinta ay la kulmeen in ay taageerayaan Dpwlada Soomaaliya ayna gacan siinayaan ciidanka Xooga Soomaaliyeed oo dagaal kula jira Al-Shabaab.

Wafdiga uu la kulmayo Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa in ay la kulmaan masuuliyiin katirsan Dowlada Kuwait gaar ahaan Wasaarada Gaashandhiga Kuwait , waxaana la filayaa in Kuwait ay gacan ka geesato dib u dhiska Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya.

Wararqaar ay heleeso warbaahinta raadraac ayaa sheegaya in wasiirka uu socdaalo ku tagi doono qaar kamid ah wadamada carabta sida qadar iyo imaaraadka carabta iskasta oo warkaasi xaqiiqo ahayn.

About The Author