Norwey oo Aqoonsiga kala laabanaysa Soomaali kuwan u diiday in ay siiso

Dalka norway ayaa dhawaan kala noqday dhalashada dalkaasi dad ay ku jiraan somali wadankaasi in muda ah ku noolaa halka qaarka kalana loo diiday in loo cusbooneesiiyo degannaashiyaha wadankaasi oo shan sano kadib dib loo cusboonsiiyo.

Dhacdooyinkaan ayaa qayb ka ah isbadalo dhinaca siyaasada ee lagu suubiyay dalalka ku yaalo waqooyiga yurub oo la Ciir ciiraya qulqulka muujado Muhaajiriin ah.

Dadka dhalashada lagala noqday ayaa la dabagalay boggagooda Facebooga lana baaray Magacyada iyo sawirada aya soo dhigaan xili dad badan oo ka mid ah dadkaas la ogaaday in ay kala duwan tahay Magacooda iyo waxa ay sheegteen.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay qaar ka mid ah somaalida ay heestaan dhalasho Wadamo Afrikaan ay Somaliya ku jirin.

Xildhibaan Baashi Maxamed Muuse oo ka mid ah golohaha deegaanka magaalada oslo ee dalka Norway ayaa shegay in arintaan ay ka muujinayaan walaac aad u farabadan isla markaana ay saameyn weyn ku yeelaneesa guud ahaan Somalid ku nool dalka Norway.

About The Author