Dowladda Maraykanka oo shaacisay in weerarkii ka dhacay Duleedka Gaalkacyo lagu qaaday Al-shabaab.

Dowladda Marakayka ayaa waxaa ay sheegtay in ay iyadu fulisay weerarkii ka dhacay duleedka magaaladda Gaalkacyo, halkaas oo ay diyaarado duqaymo ka gaysteen.

Masuul u hadlaya aqalka Bantigoonka oo lagu magacaabo Captain Jeff Davis, ayaa cadeeyey in ay halkaas ku dileen rag ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo duulaan kusoo ahaa, ciidan Soomaaliyeed.

Masuulka ayaa meesha ka saaray in ay ogyihiin, wax ciidan soomaaliyeed ama Galmudug ah, oo halkaas ku wax yeeloobay, waxaana uu sheegay in ay baarayaan, haddii ay rintaasi jirto, waxaase uu xaqiijiyey in ay dileen 9askari oo al-shabaab ah.

Arintaan ayaa dhaawac ku ah hadalkii wasiirka Amniga Galmudug, ee ahaa in ay Puntland Jaajuustay Ciidan ay Galmudug leedahay, kuwaas oo fariisin kulahaa meesha lagu weeraray.

About The Author