Dhagayso: Kulankii Golaha wasiiradda oo maanta si adag uga hadlaya Xulashada Baarlamaank DF.

Golaha xukuumadda Dowladda Puntland, ayaa maanta kulankoodii asbuuclaha ahaa waxaa ay kusoo qaateen Qodob aad xasaasi u ah, kaas oo ka hadlayey Aqalka hoose ee DF, iyaga oo fariin adag u diray.

Golaha ayaa sheegay in ay jiraan dad badan oo kursigii ay ku heleen magaca Puntland u adeegsaday Dhibaataynta Puntland, sidaas darteed ayey Fariin u direen Odayaasha dhaqanka iyaga oo ka codsaday in aysan marna soo celin, kuwii shalay Puntland dibin daabyadeeda ka shaqaynayey.

Waxaa kale oo maanta Markii ugu horaysay kualan la isku waydiiyey, meesha ay marto canshuurah hormarineed ee ay qaadaan dagmooyinku, kuwaas oo lagu qaado 7dagmo, waxaana ay goluhu sheegeen in maamulada dagmooyinkaasi ay faah faahiyeen, Inkasta oo aan saxaafadda Loosheegin meesha dhabtaa ee ay ku baxdo.

Afhayeen Dowladda Puntland ayaa waxaa uu ka hadlay, qodobkaas iyo Qodobo xasaasi ahaa oo looga hadlay kulankii Wasiiradda Dowladda Puntland.

 

Dhagayso.

About The Author