SAWIRRO: JAAMACADA MUQDISHO OO IMTIXAANKA OGOLAANSHAHA KA QAADAY ARDEYDA CUSUB.

Ardayda iska diiwaangalisay Jaamacada Muqdisho xarunta Boosaaso ayaa maanta oo taariikhdu ku beegantahay 30/09/2016, u fariistay imtixaanka ogolaanshaha ee ka mid noqoshada Jaamacada sanad waxbarasheedka 2016/2017.

Gudoomiyaha Jaamacada Moqdisho xurunta Boosaaso Dr. Abdullahi Sheekh Hassan oo imtixaanka daah furay ayaa soo dhaweeyay ardayda cusub uguna hambalyeeyay ka mid noqoshadooda Jaamacada Muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa ardayda ku dhiiri galiyay inay sii wataan dadaalkoodii waxbarasho una rajeynayo in imtixaanka illahay ufududeeyo ayna noqdaan kuwo guulaysta mustaqbalka dhaw iyo kan fogba.

Ardayda oo iska diiwaangalisay kuliyadaha kala duwan ee jaamacada ayaa imtixaanku jawi dagan ugu soo dhamaaday iyagoo wajiyadooda laga dheehanayay farxad iyo rayrayn .

Qabashada ardayda cusub danaynaysa ka mid noqoshada Jaamacada Muqdisho ayaa wali ka socota xuruta dhexe ee Jaamacada ee xaafada Biyo kulule.

Warbixinta: Jaamacada.

img_3358

img_3364

img_3378

img_3383

img_3390

img_3400

img_3366

 

About The Author