Akhriso Warsaxaafadeed: Galmudug oo Xaalka Gaalkacyo xasaasi ku tilmaantay, magdhowna ka dalbatay Saraakiishii alshabaab ee Gaalkacyo lagu dilay.

Maamlku Galmudug ayaa waxaa uu soosaarayn war saxaafadeed, ay kaga hadlayaan Howlagalkii wada jirka ahaa ee Bariga Gaalkacyo.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa y Galmudug ku dalbanaysaa, in lasiiyo Magdhowgii 9kii Sargaal ee Xarakada Al-shabaab ee lagu dilay bariga Gaalkacyo, waxaana ay sidoo kale warsaxaafadeedka kusoo dareen, in xaalada Magaaladda Gaalkacyo tahay mid aad Xasaasi u ah, iyaga oo ka digaya Qalaase ay ka samayn karaan Gaalkacyo.

Halkaan ka akhriso Wasaxaafdeedkii ay soosaareen.

Subaxinimadii shalay oo ay taariikhdu ahayd 28/09/2016 ayaa ciidamada cirka mareykanku duqayn ugeysteen cutub kamid ah ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug oo . Duqayntaas waxaa lala beegsaday cutub ka mid ah ciidamada Dowlad Goboleedka Galmudug oo ku sugnaa fariisin ku taal bariga magaalada Gaalkacyo. Duqayntaas waxaa lagu dilay 13 askari oo ciidanka Galmudug halka 7 kalena aay ku dhaawacmeen weerarkaas, ayadoo wali la la’yahay hal askari geeri iyo nolol intaba. Waxaa qasaarahaas ka dhashay kamid ah in lagubay labo gaari oo nuuca tiknikada ah oo ay lahaayeen ciidamada Dowlada Galmudug.

Dowlad Goboleedka Galmaudug waxay aad uga xuntahay in Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanku ay isticmaashay xog qaldan oo aan tuhunsanahay inay dhinaca maamulka Puntland kaga timid taasoo laga lahaa dano gaar ah iyo ujeedooyin guracan oo aan marna u adeegeeyn hadafka iyo ujeedka ladagaalanka argagixisada.

Dowlad Goboleedka GalmudugWaxaa ka go’an ladagaalanka argigixisada, waxayna si geesinima leh goobo badan kula dirireen bilawgii sanadkan maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaa xusid mudan in ciidanka la laayayna ay ka mid ahaayeen, qeyb lixaad lehna ka qaateen dagaaladaas shabaabka looga difaacayay guud ahaan soomaliya, gaar ahaan deegaanada GalMudug

Xogta qaldan ee sida ula kaca ah loogu marin habaabiyay dowlada mareykanka waxaa looga gol lahaa in lagu abuuro dhiilo colaadeed oo dhaawaceysa xariirka labada maamul, taas oo sababikarta in laga weecdo hadafkii guud ee ladagaalanka argagixisada laguna mashquulo loolanka siyaasadeed oo aysan cidna ka faa’iideynin.

Galmudug marna diyaar uma ahan in ay dabinkaas ku dhacdo waxaana ka go’an ladagaalanka argigixisada waxa ayna u diyaarisay ha’ado nabadgalyo oo la socda dhaq dhaqaaqa argagixisada kulana dirira meelkasta oo ay joogaan, waxaa sidoo kale kusugan Galmudug hay’ada sirdoonka qaran oo ay Galmudug wada shaqeyn buuxda la leedahay inta aan ognahay labada hay’adood midkoodna lama wargalin.

Galmudug waxaay cadeyneysaa moowqifkeeda ah in Galkacyo iyo arimaheedu yihiin kuwo xasaasi ah, sidaa darteedna Dowlada Galmudug kuma qanacsana jawaabta hordhaca ah ee ilaa iyo haatan soo baxday , waxaana ugu baaqeynaa Dowlada Mareeykanka in ay baaritaan dheeri ah sameeyso Galmudugna waxa ay diyaar utahay in ay gacan ka geysato arinkaas waxaana marakale ku celineynaa sida ay Galmudug uga go’antahay ladagaalanka argagixisada.

Waxaan ku baaqeynaa in aan hadafka laga weecan maadaama uu dalku marayo marxalad xasaasi ah oo doorashooyin lagu jiro, argagixisadu dooneyso in ay nabada iyo doorashooyinka hor istaagaan waa xiligii iskaashiga iyo wada shaqeyn ee mahan xiligii xiisad kicinta iyo colaad abuurista,Galmudugna waxay dalbaneysaa cudur daar buuxa iyo magdhaw .

——– —-Dhamaad————

About The Author