Wasiiru dowlihii madaxtooyada ee Xiriirka Caalamiga ee Puntland oo iscasilay (Sabab)

1 okt 2016 (Puntlandes) Wasiiru dowlihii madaxtooyada ee Xiriirka Caalamiga ee Puntland Dr Maxamed Cumar Cabaas ayaa wuxuu iska casilay xilkaas uu u hayey Puntland.

231-4a2

Wasiiru dowlaha oo sheegay inuu warqada iscasilaadiisa uu u gudbiyeyuuna ka aqbalay madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, laakiin ma uusan  sheegin sababta iska casilay.

Dhanka kale Todobaadkii hore ayay aheyd markii uu xilkiisii iska casilay wasiirkii warfaafinta ee Puntland Maxamuud Soocadde.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali ayaa ku guda jira iminka qorshe uu isku shaandheyn ugu sameynayo xubnaha Golahiisa wasiirada, iyadoo saacadihii lasoo dhaafay aad looga hadal hayay isku shaandheynta wasiirada.

Xog hoose oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay sheegaysaa inay Wasiirada is casilay ay isku casileen kadib markii ay ogaadeen inay ku jiraan Wasiirada daadku qaaday oo aan kasoo dhex muuqanayn Golaha wasiirada cusub ee la filayo in uu madaxweyne Gaas ku dhawaaqay dhwaan.

Puntlandes.com

About The Author