Sawirro: Turkiga oo Saldhig Ciidan ka furanaya Soomaaliya

1 okt 2016 (Puntlandes) Dawladda Turkiga ayaa soo gabagabeysay dhismaha Saldhig Millateri oo ay ku yeelanayso magaalada Muqdisho.

Saldhigan oo ah kii ugu horreeyay ee uu Turkigu ka furto Qaaradda Afrika, ayaa  waxaa degi doona Ciidan Turki ah, kuwaasoo tababar siin doona Ciidamada Soomaliya.

Saldhiggan, oo ay ansixisay Qaramada Midoobay, ayaa wuxuu noqon doonaa Saldhigii labaad ee Caalamka uu ku yeesho Turkiga, marka laga reebo Saldhig ay xukuumadda Ankara ka furatay Bishii Abril ee Sanadkan Dalka Qadar , kaasoo qayb ka ahaa heshiiskii iskaashiga ammaanka ee labadaas dal ay horay u gaareen.

Ciidan gaaraya 200 oo Askari, ayay Dowladda Turkiga keeni doontaa  Saldhiggeeda Muqdisho, kuwaasoo tababar siin doona 10,500 oo loo tababari doono DFS.

 

turki2turki1

Puntlandes.com

About The Author