CabdiQaybdiid oo Cadaado ka soo degay kuna soo wajahan Xaafada Baraxleey

130

Gaalkacyo (Pes): Hogaamiyaha  Maamul Xaafadeedka Baraxleey ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid iyo wafdi hogaaminayo ayaa maanta kasoo dagay Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Waxaana filayaa in uu safar lugta ah ku yimaado Xaafada Baraxleey ee darafka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo Xurunta Gobolka Mudug..

Warar ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay sheegayaan in uu hub iyo lacag CabdiQaybdiid kala yimid Xamar isagoo ka soo qaatay Xasan Culusoow Madaxa Villa Wardhiigleey oo waayadii u dambaysay abuurayey dagaal ka qarxa Gobolka Mudug ee Puntland.

CabdiQaybdiid ayaa ku sugnaa Magaalada Xamar mudooyinkii u dambeeyey. Bishan sebtember 21 keedii ayey ahayd markii uu isaga oo cabanaya Cadbiqaybdiid laga maqlay idaacadaha. Isagoo dacwo u gudbiyey saaxiikiisa ay heshiiska ku ahaayeen iskudaygii fashilmay ee lagu damacsanaa in la dhaco Gobolka Mudug oo ay dowlada Puntland gacanta ku hayso.
Hadaba Cabdi qaybdiid ayaa saacadaha soo socda Lagu wadaa inuu Gaalkacyo soo gaaro Xilli Masuuliyiin iyo Xildhibaano Maamulkiisa ka tirsan Saacadihii lasoo dhaafay ku Hanjabayeen in ay Xayiri doonaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa loo tooghayaa  talaabada u qaado Cabdi qaybdiid marka uu soo gaaro Xaafadda Baraxleey ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, waxaana isa soo taraya  warar  ku ku saabsan in Maleeshiyaad Xafadaas ka tirsan ay isku aruursanayaan Koonfurta Gaalkacyo.

Puntlandes.com

About The Author