Daawo Barnaamij Gaar ah oo ku saabsan Puntland oo Sagoontisay Arday Deeq Waxbarasho ka helay dalka Sudan

2 okt 2016 (Puntlandes) Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre Dowlada Puntland ayaa dhawaan sagootisay 14 arday oo deeq waxbarasho ka heshay dalka Suudaan, waxaana kasoo qeyb galay madasha lagu sagootiyay Ardeyda Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada,Agaasimaha Xafiiska Imtixaanaadka Puntland iyo Gudoomiyaha Dallada Waxbarashada.

Daawo Barnaamij Gaar ah oo ku saabsan Sagootinta

Agaasimaha Xafiiska Imtixaanaadka Puntland Axmed Maxamuud Warsame ayaa sheegay in waxbarashadu tahay hanti Islamarkaana qofkii ku dadaala uu helayo miraha iyo natiijada uu usoo halgamay , Isagoona uga digay ardeyda inaysan ku fakarin tahriib iyo waxyaabaha mukhaadaraadka ah.

Axmed Saahid ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo ardeyda galabta loo sagootiyay dalka Sudan waalidiintooda sidii ay ugu soo dadaaleen Islamarkaana ay ku abaalmarinayso Wasaaradda Waxbarashada Puntland deeq waxbarasho oo lacag la,aan ah.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax ayaa kula dardaarmay ardeyda inay ka faa,iideystaan fursadaan oo uu sheegay inay tahay mid dahabi ah oo aysan helin dadkoo oo dhan Wuxuuna kula balamay 14 ardey ee deeqda waxbarasho loogu diray dalka Sudan inay dalkooda wax usoo bartaan Islamarkaana la qabsadaan Jawi ahaan iyo Dhaqan ahaan-ba wadanka ay u socdaan.

dscn6160dscn6162dscn6163dscn6167dscn6171dscn6172dscn6176dscn6178dscn6180dscn6181dscn6182dscn6184dscn6185dscn6187dscn6190dscn6192dscn6193dscn6195dscn6197dscn6199dscn6203dscn6204dscn6207dscn6208dscn6209dscn6211dscn6213dscn6214dscn6215dscn6216dscn6217dscn6214dscn6219dscn6230dscn6236dscn6238

Puntlandes.com

About The Author