Dhagayso: Culimada Soomaaliya ”Qoondada Haweenka Diin Ma ahan”

2 okt 2016 (Puntlandes) Kulan ay maanta isugu yimaadeen qaar ka mid ah Culimada Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayey kaga dhawaaqeen in Qoondada Haweenka ee ah 30% ay ka hor imaaneyso shareecada Islaamka.

231-4e

Culimada ayaa baaq u diray Qaa’ilka iyo Odoyaasha Qabiilka inay iska diidaan Qoondada Haweenka aysana dooran Haween ee soo doortaan Rag, maxaa yeelay waxay ka hor imaanaysaa Shareecadda Islaamka.

Culimada ayaa ku sheegay KOOTADA dumarku inay tahay:
1- Qorshe gaaladu wadato.
2- Carqaladaynta doorashada
3- Dhalan rogga bulshada.
4- Burburinta qoyska.

Dhagayso warbixin ay VOA ka diyaarisay


Puntlandes.com

About The Author