Sawirro: Salaad Roob doon ah oo ka dhacday Gobolladda Puntland

3 okt 2016 (Puntlandes) Waxaa maanta ka bilowday Gobolladda Puntland roob doon ka dib markii ay ku baaqday todobaadkii horre Wasaaradda Cadaalada iyo Awqaafta Puntland , waxaana ka qeyb galay Isku soo bax roob doon ah oo subaxnimadii horre ee maanta ka qabsoomay magaalada Garowe Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Camay, Madaxweynihii horre ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole, Wasiiro, Xildhibaano, Culimo,Issimo iyo Dadweyne fara-badan.

Culimada,Issimada iyo Masuuliyiinta ka qeyb gashay roob doontii maanta ka qabsoontay Garowe ayaa  allah ka baryay inuu Roob siiyoa kana dulqaado abaarta baahsan ee ummadiisu la daalaa dhacayso.

Galinkii horre ee maanta intii uu socday banaan baxan roobdoonta ah waxaa albaabada loo laabay guud ahaan-ba xarumaha ganacsiga, Iskuulada iyo Xafiisyada Dowlada ee ku yaala magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Wuxuuna kusoo beegmayaa isu soo baxani xilli meeshii ugu sareysay ay marayaan  abaaro khatar ah oo ku dhuftay deegaanada Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

 

img-20161003-wa0000img-20161003-wa0001img-20161003-wa0003img-20161003-wa0006img-20161003-wa0010img-20161003-wa0013img-20161003-wa0014

Puntlandes.com

About The Author