Sawiro: Wasiirka deegaanka Puntland oo la kulmay Gudiga dib u dhiska Isbitaalka guud ee gobolka Mudug

3 okt 2016 (Puntlandes) Wasiirka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa maanta Magaalada Gaalkacyo kula kulmay gudiga dib u dhiska Isbitaalka guud ee gobolka Mudug waxaana ay kawada hadleen sidii loo dar dargelin lahaa shaqooyinka gudigaas islamarkaasna loo habayn lahaa qorshaha gudiga ee ku saabsan dib u dhisida isbitaalka guud oo imika aad u burbursan islamarkaasna aysan shaqayn qaybo badan oo kamid ah qaybaha uu isbitaalku ka koobanyahay.

Prof. Maxamed Jaamac Salaad Gudoomiyaha gudiga dib u dhiska isbitaalka guud ee gobolka Mudug ayaa warbixin ka bixiyey xaalada uu imika Isbitaalka guud ee gobolka Mudug kusuganyahay waxaana uu sheegey in isbitaalku uu xaalad adag soo maray balse iika ay ku guulaysteen in dib loo dhiso qaybo kamid ah isbitaalka kuwaas oo ay kamidyihiin qayba dawada guud, Shaybaarka Isbitaalka, Hoolka shirarka ee Isbitaalka, Qaybtada martida iyadoo imika uu dayactirku ka soconayo bandhiga Dhiiga, Qolalka Meydka iyo qaybo kale oo muhiim u shaqada Isbitaalka.

Gudoomiyuhu wuxuu u mahadceliyey guud ahaan Jaaliyada Soomaaliyeed iyo dadka gudaha oo uu sheegey in ay taageero kabadan Boqol kun oo Dollar soo gaarsiiyeen waxaana uu u mahadceliyey jaaliyada reer Puntland ee Leicester City oo dhawaan gudiga soo gaarsiisay lacag dhan $12,000 (Laba iyo Toban Kun oo Dollar) Masjidka Alhuda Garoowe iyo jaaliyada Reer Puntland ee Welback Canada kuwaas oo soo kala gaarsiiyey lacag dhan  $3000 iyo $2840, Prof Maxameahd Jaamac Salaad wuxuu sheegey in ay imika qorshaynayaan in ay bilaabaan qorshihii labaad ee gudiga u yaalay Kaas oo ah in la qorsheeyo sidii loo bilaabi lahaa Dhismaha isbitaal cusub kaas oo badali doona isbitaalka imika jira.

Wasiirka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta Iyo Dalxiiska Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa ugu dambayntii u mahadceliyeye gudiga dib u dhiska Isbitaalka guud oo uu sheegey in mudadii koobnayd ee ay shaqaynayeen ay shaqo badan qabteen waxaana uu sheegey in dawlada dhexe ee Puntland oo kaashanaysa Bulshada reer Puntland ay il-gaar ah ku hayn doonto xaalada Isbitaalka, Wasiirku dhanka kale wuxuu sheegey in loo baahanyahay in la iska wada kaashado sidii loogu howlgali lahaa dhamaystirka qorshaha isbitaal cusub lagu samaynayo waxaana uu ugu baaqay jaaliyaduhu inay qayb wayn ka qaataan qorshahaas.

1-1

5-26-1

7-1

Puntlandes.com

About The Author