Akhriso: Shuruudaha lagu soorogay gaadiida Xamuulkaa ee Puntland isaga kala Gooshaya.

Wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka Puntland, ayaa soo saartay amaro ay dul dhigtay gaadiidka Xamuulka ah.

Gadiidka Xamuulka ayaa waxaa lagu amray in ay qaataan shaqaale xadidan, in ay Milkiilayaashu qaadaan masuuliyadda shaqaalahaas iyo in ay kala soocaan xoolaha nool noocaydooda iyo xamuulka kale.

Waxaa la mamnuucay gaadiidkii sooqaadi jiray Rakaabka iyo Xoolaha, kuwii sooqaadijiray labo ama Sadex nooc oo xoolaa, waxaana lagu amray in ay sooqaadaan Hal nooc oo xoola kaliya, Rakaab ama Badeeco.

Gaadiidka rarka Culus ayaa loo ogolaaday 3shaqaale oo kaliya, halka gaadiid rarka dhexana loo ogolaaday Labo shaqaale oo kaliya.

Akhriso Waraaqdii Wasaaradda Hawlaha guud.

14492562_1497257476957859_1677640376385925910_n

About The Author