Gaalkacyo: Ololihii Xildhibaanadda Dowladda Federaalka oo Gaalkacyo ka bilaabatay (Daawo Sawiradii kulankii ugu horeeyey)

4 okt 2016 (Puntlandes) Magaaladda Gaalkacyo waxaa ka biloowday Ololihii xulashada xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo uu sii yaraanayo wakhtiga ka harsan in lagu dhawaaqo xulista xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa haatan socda kulamo ay yeelanayaan Beelaha doonaya in ay qaybsadaan xubnaha Baarlamaanka, iyadoo ay beelihu suluxduub ugu jiraan sidii ay ku heli lahaayeen Xubin Xildhibaan.

Kulankii ugu horeeyey ee ay qabato Beel doonaysa in la siiyo xubintaan, ayaa waxaa uu ka dhacay magaaladda Gaalkacyo, Beesha Reer Khalaf ayaa waxaa ay ka codsatay Beesha guud ee ay wax la wadaagto ee Cumar Maxamuud, in xubinta la siiyo oo laga soo xulo beeshooda.

Beesha Cumar Maxamuud ayaa Habka Qabaliga aha ee aan Cadaaladda ahayn ee 4.5 waxay ku leedahay 2 Xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana iminka suxul duub ugu jira Beelo badan oo ka mid ah Beesha Cumar Maxamuud,

Beesha Reer Khalaf ayaa kullanka ka sheegtay inay hayaan xubno badan oo la kala xulan doono, kuwaas oo doonaya in ay matalaan Ummadda Soomaaliyeed, Puntland iyo waliba gaar ahaan Gobolka Mudug.

Kullanka oo ay ka hadleen Nabadoono iyo waxgarad kala gadisan ayaa waxay sheegeen in ay Mudantahay Beesha Reer Khalaf ayna tahay Kalkii iyaga la siin lahaa oo ay xaq uleeyihiin.

Aqoonyahano ka hadalay kulanka ayaa sheegay inaysan muhiim ahayn Beesha uu ka imaanayo Xildhibaanku, ee ay muhiim tahay Shaqsiyadda qofka matalaya Masiirka Ummadda Soomaaliyeed, waxaa uu intaas ku daray, In Xubno badan oo kamid ah xubnihii sanadkii 2012kii la xulay ay ku fashilmeen, matalaadii la siiyey.

Gunaanadkii kulanka ayaa waxaa la isku raacay, in beeshu ay Mudantahay in ay matasho beelaha kale ee walaalaheed ah iyo Soomaaliya oo dhan, iyadoo gabagabdii kullankana lagu soo xiray Roobdoon.

Waxaa lagu soo gunaanaday kulankii Allah bari, Is cafis iyo Roobdoon, iyadoo odayaashii, Waxgaradkii iyo culimadii kasoo qayb galayba ay isku raaceen sida loogu baahan yahay, in Ilaahay loo noqdo, lana is cafiyo Roobna laga baryo allah.

 

Daawo Sawirro.

img_7888 img_7890 img_7892 img_7895 img_7897 img_7900 img_7906 img_7910 img_7916 img_7918 img_7920 img_7925 img_7927 img_7930 img_7932 img_7936 img_7939 img_7941 img_7943 img_7945 img_7950 img_7953 img_7955 img_7958

Puntlandes.com

About The Author