BREAKING NEWS: Madaweynaha Puntland oo Barlamanka usoo gudbinaya 44 xubnood oo u tartamaya Aqalka Sare & Qabiilooyinkooda

5 sept 2016 (Puntlandes) War lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa ah in Madaweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaad uu goir dhow Shascin doono liiska xubnaha Aqalka Sare ee uu Baarlamaanka Puntland ka dooran doono 11 xubnood oo ay Puntland ka heshay Aqalka Sare oo ka koovan 54 Xubnood.

226-3

Madaxweyne Gaas ayaa sida ay Warbaahinta Puntlandes ogaatay u gudbin doona Baarlamaanka liis ka kooban 44 xubnood oo u tartamaya Aqalka Sare, halkii laga sugayey 22 xubnood.

Kursi kasta waxaa ku tartamaya 4 musharax oo uu Baarlamaanku ka dooran doono hal musharax iyadoo ay noqonayso wadarta guud 11 xubnood.

 

Sidee ayuu u qaybiyey Gaas 11 Xubnood ee Puntland?

Madaxweyne Gaas ayaa ugu qaybiyey Beelaha Puntland sidatan:

  • Cumar Maxamuud: 1 xubin
  • Ciise  Maxamuud: 1 xubin
  • Cismaan  Maxamuud: 1 xubin
  • Cali Saleebaan: 1 xubin
  • Dhulbahante: 2 xubnood
  • Warsangeli: 1 xubin
  • Leelkase: 1 xubin
  • Dashiishle 1 xubin
  • Beelaha kale ee Majeerteen: 1 xubin
  • Mahad Cawad (Beesha Dieerd): 1 xubin

Soo gudbinta liiskaan ka dib waxaa hawsha la wareegaya Giddigadoorashada dadban ee Puntland iyagoo kala saaari doona kuwa sharuudaha buuxshay iyo kuwa aan buuxin.

Waxaa muuqata inay ku adkaatay Madaxweyne Gaas inuu Baarlamaanka usoo gudbiyo 22 xubnood maadaama ay nusharixiin badan doonayaan inay ka mid noqdaan Aqalka Sare.

Puntland ayaa waxaa laga rabaa in uu Baarlamaanku soo Doorto 11 xubnood oo 3 ka mid ah ay yihiin Haween.

Puntlandes.com

About The Author