Sawirro: Madaxweynaha dawladda Puntland oo Garoowe kaga qayb galay shir lagu daahfurayey hannaanka geeddi socodka doorashooyinka Puntland

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa manta 05-October-2016 xarunta cilmi horumarinta iyo cilmi baadhista Puntland ee PDRC kaga qayb galay shir lagu daah-furayey hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka Puntland.

shirka ayaa waxaa sido kale kasoo qayb galay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, Xildhibaano, guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, ururada kala duwan ee bulshada rayidka ah, culumaa’udiin, haween iyo odayaal dhaqameed.

Ujeeddada shirka ayaa ahayd mid  ay guddiga doorashooyinka Puntland ee TPEC kusoo bandhigayeen qorshe hawleedkooda ku aaddan geeddiga ay Puntland ugu jirto in ay ka guurto nidaamkii hab-beeleedka ahaa ee lagu soo maamulayey 18-kii sanno ee ay Puntland jirtey una guurto nidaamka dimuqraadiga ah ee ay ku dhaqmaan dawladaha hore u maray.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo shirka khudbad taariikhi ah ka jeediyey ayaa sheegay in ay dawladda Puntland ka go’antahay in hirgelinta nidaamka dimuqraadiyaynta si’ shacabka  Puntland ay u codkooda ugu doortaan cidda ay ka arkaan maslaxaddooda.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu ku ammaanay guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka Puntland qaabka wanaagsan ee ay u soo bandhigeen jadwalka doorashada goleyaasha deegaanada Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu intaa sii raaciyey in waqtiga yare e dhiman iyo shaqada weli qabyada ah awgeed loo baahan yahay in dedaal dheeraad ah  la muujiyo si looga dhabeeyo geeddi-socodka Doorashooyinka Puntland.

“guddigu way ku mahadsanyihiin dedaalkooda iyo qaabkay usoo bandhigeen jadwalka doorasha, dabcan way dhiba badan tahay dhammaystirka barnaamijka aanu ku talo galnay, sidaa awgeed waxa loo baahan yahay in dedaal dheeraad ah la geliyo jadwalka ay soo bandhigeen guddiga doorashooyinku” ayuu yiri Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay nooca Dimuqraadiyadda Puntland ay doonayso in ay u guurto in ay tahay mid aan ka hor imaaneyn diinta Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed taas oo u adeegeysa maslaxadda guu ee Puntland.
img_8510img_8512img_8513img_8514img_8515img_8517img_8521img_8522img_8527img_8530img_8534img_8536img_8538img_8540img_8541img_8546img_8547img_8551img_8552img_8555img_8558img_8559img_8560img_8561img_8565img_8567img_8569img_8570img_8573img_8575img_8577img_8578img_8579img_8580img_8582img_8586img_8589img_8595img_8601img_8608img_8616img_8621img_8631

Puntlandes.com

About The Author