TACSI ku socota Qoyska Ayeeyo Marxuumad Maryan Cali Bootaan oo ku geeryootay Gaalkacyo

Innaa Lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun

Waxa ku geeriyootay magaalada Gaalkacyo  Maryan Cali Bootaan

154a

Anagoo kala ah Maxamed Saliid Cali Sameey iyo Mahdi Yuusuf Dhuux waxaan Tacsi tiiraanyo leh u diraynaa dhamaan reer Cali Bootaan meel kasta oo ay dunida ka joogaan, waxaan  kaloo si gaar ah Tacsi ugu dirayaa Caruurteedii oo kala ah Xaawo Cabdullaahi Warsame, Xaliimo Cabdullaahi Warsame, Ciise Cabdullaahi Warsame, Cumar Cabdullaahi Warsame, Cali Cabdullaahi Warsame iyo Tahliil Cabdullaahi Warsame oo ay ka tagay marxuumad Maryan Cali Bootaan.

Waxaana Allah uga baryaynaa Marxuumada inuu Janatul Fardowsa ka waraabiyo, Kitaabkeedana Gacanta midig ka siiyo, Qabrigana u waasiciyo una nuuriyo, Janadii fardowsana hoy uga yeelo, Samir iyo Iimaana ka siiyo Qoyskii, ehelkii iyo qaraabadii ay ka geeryootay Aamiin, Aamiin, Aamiin, ALLAHAYOOW. , Amiin, Amiin

About The Author