Sawirro: Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta Sare ee Puntland oo Booqday Dhismaha Wadada Ceel Daahir & Ceerigaabo

6 sept 2016 (Puntlandes) Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Abshir Yuusuf Ciise ayaa booday dhismaha wadada isku xirta Ceel Daahir iyo Ceerigaabo oo wajigeeda hore uu bilowday.

Wasiirka ayaa la kulmay howl wadeenada wadada dhisaya isagoo kala hadlay qaabka ay wax u socdaan iyo caqabadaha ka taagan wadada.

Abshir ayaa balan qaaday in bahda waxbarashada Puntland ay qayb weyn ka qaadanayso dhismaha wadada oo lagu dhisayo qaab isku tashiga Puntland, Isagoo xusay in horay Ardayda Puntland dhaqaale ugu aruuriyeen dhismaha wadada.

Sanadkii hore ayey ahayd markii madaxweynaha Puntland uu dhagax dhigay dhismaha wadada isku xirta Ceerigaabo iyo Ceel Daahir.

Daawo Sawirrada

14494629_347845075557771_9093037575529759641_n

14606555_347845108891101_7875784903899124804_n

14494874_347845208891091_3965784544000035_n

14522985_347845142224431_8502736328606450359_n

231-4e3a6 231-4e3a2 231-4e3a3 231-4e3a1

Puntlandes.com

Like it? Share it!

About The Author