Sawirro+warbixin: Dr. Gaas oo Wufuud caalami ah kula Kulmay Garoowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay Ergay heer caalami ah, kuwaas oo uu horkacayo uqaabilsana Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaalina Mechal Keyten.

Dr. C/wali maxamed Cali Gaas iyo Mr.Keyten ayaa kulan saacado qaatay ka bacdi waxaa ay ka war bixiyeen Ujeedka kulankaan, waxaana ay sheegeen in ay Soomaaliya haatan ku jirto marxalad kala guur ah, sidoo kale waxaa uu sheegay in ay caqabado farabadan oo u baahan in laga gudbo, si loogu diyaar garoobo doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.

Keyten ayaa sheegay in ay garoowe u yimaadeen si ay Dowladda Puntland ugala xaajoodaan, dib udhaca ku yimid hanaanka Doorashooyinka dadban ee Soomaaliya iyo xilidda aqalada kala duwan.

Keyten ayaa yiri “Puntland waxaa ay markasta Soomaaliya u ahayd hogaan wanaagsan, waxaan u nimid in aanu ka wada xaajoono sidii ay u hirgalilahayd doorashada, hadda waxaan la kulanay Madaxweyne Gaas oo si wanaagsan noo qaabilay, kadib waxaanu u gudbaynaa oo lakulmaynaa hogaanka dhaqanka Puntland, Issimada iyo Odayaasha.

Kulanka odayaasha ayaa la filayaa in uu ka dhaco Xarunta PDRC Garoowe, waxaana la filayaa in looga wada hadlo sidii xal loogu heli lahaa doorashada markasta dib u dhacaysa.

Daawo Sawirro.1 2 3 4 5 6 7

 

 

About The Author