Q. M. oo shaqada ka saartay sarkaal ka shaqeynayay xafiiska UNSOM ee Soomaaliya

Qaramada Midoobay ayaa shaqadii ka saartay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Dalka Soomaaliya UNSOM, sababo la xiriira wax is daba marin iyo musuqmaasuq.

158ab

Amadu Kamara, oo ahaa Agaasimaha Xafiiska UNSOM iyo weliba UNSOM ayaa la eryay, kadib markii lagu eedeeyay inuu heshiis kunturaad ah siiyay Dad uu la wadaagayay Mashruuc gaar ah.

Mr  kamara, oo u dhashay Dalka Senegal, ayaa lagu eedeeyay in uu si qalad ah u isticmaalay dhaqaale lagu caawinayay dib u dhiska ciidamada Dalka Soomaaliya.

Sarkaalkan, oo qaybta nabad ilaalinta ee Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ku biiray 1993-kii, ayaa Soomaaliya yimmid Bishii April ee Sanaddii 2012-kii, markii laga soo wareejiyay Xafiiska Qaramada midoobay ee Koofurta Suudaan.

Puntlandes.com

About The Author