Gaalkacy: Saraakiil NISA ah oo ka warbixinaye sidii loo soo galiyey Dagaalkii Gaalkacyo & Go’aankooda (Dhagayso)

12 okt 2016 (Puntlandes) Saraakiil ka tirsan Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliyeed ee NISA oo kasoo goostay Isbahaysiga huwanta ah ee maamulka Galmudug iyo dawlada Federaalka Soomaaliya ee soo weeraray magaalada Gaalkacyo ayaa waxay Saxaafadda uga warbixiyeyeen sidii Gaalkacyo lagu keenay iyagoo si cad u sheegay in Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ay ka qayb qaadanayaan Dagaalka Gaalkacyo.

Saraakiishan isu soo dhiiban dawlada Puntland ayaa sheegaya in ay kusoo hawl galeen sidii ay uqaadi lahaayeen Isbaarooyin Sharci darro ah, oo la dhigtay Wadad Gaalkacyo iyo Cadaado, Kadibna ay soo gaareen Gaalkacyo iyaga oo aan wax isbaaro ah la kulmin.

Saraakiisha ayaa caddeeyey inay Dhamaan Ciidankii NISA ee Cadaado ku sugnaa ay ka qayb qaadanayaan Dagaalka Gaalkacyo, Waxaana ay sheegeen in ay go’aan ka qaateen dagaalka Maadaama uusan ahayn shaqadii loo Igmaday, aysanna Doonayn inay ku biiraan Colaadda ka aloosan Gaalkacyo.

Dhagayso.

Sawirro

gg-19 gg-18

Puntlandes.com

 

About The Author