Dhagayso: Warbixino & waraysiyo ka hadlaya dagaalkii Galkacyo & xaaladda caawa

13 okt 2016 (Puntlandes) Ciidamada Puntland iyo Galmudug ayaa caawa isugu habeensadey dagaal xoogan oo abaare 5tii galabnimo faraha la isula tagay socdayna ilaa qorax dhicii.

Ciidanka labada dhinac oo iswaydaarsanayey madaafiicda goobta ayaa waxa ay hadda kusugan yihiin goobihii ay Qoraxdu ugu dhacday, waxaana jira dhaawacyo la gaarsiiyey xarumaha caafimaadka.

img_0254

Dhanka Galmudug

Khasaaraha ayey VOA ku sheegtay 7 dhimasho ah oo ah dhanka Galmudug iyo dhaawac intaas kasii badan.

Dhagayso warbixin ay caaw ka diyaarisay VOA


Halkana ka dhagayso Gudoomiyaha xaafada Baraxleey

Dhanka Puntland

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif (Xasan Abgaaloow) oo waraysi siiyey idaacadda Daljir ayaa sheegay inay dawlada Puntland ay iska difaacayso dagaal ay kusoo qaadeen DFS iyo Galmudug.

Abgaaloow oo la waydiiyey khasaaraha dhanka Puntland ayaa sheregay inuusan jirin Khasaare soo gaaray dhanka Puntland dagaalka Gardarada ah ee DFS iyo galmudug kusoo qaadeen Puntland.

Abgaaloow ayaa sheegay inay waanwaan diideen Isbahaysiga DFS iyo Galmudug ayna dhanka Puntland Goosteen inaysan waanwaan dambe gelin.

Dhagayso warbixin ay caaw ka diyaarisay idaacadda Daljir oo ay ku waraysatay Gudoomiye abgaaloow


Puntlandes.com

About The Author