Gaalkacyo: Xaaladda Gaalkacyo oo dhagan Saaka iyo Cabsi laga qabo Colaada (dhagayso+Sawirro)

15 okt 2016 (Puntlandes) Magaaladda Gaalkacyo ayaa haatan dagan iyada oo aan wax rasaas ah saaka la maqlayn, waxaana ay shacabku toos ugu shaqa tageen goobihii ganacsiga, Iyada oo ay camiran yihiin meheradaha Laga Qaxweeyo.

Dadweyne abadan oo aan magaladda xaaladdeeda wax ka waydiinay, ayaa muujinaya sida ay uga xun yihiin in ay Gaalkacyo colaadi kusoo laa laabato, Dadweynahaa ayaa Qaba in Colaadaan ay Hoos ka riixayaan rag siyaasiyiin ah, kuwaas oo dano gaar ah leh, Waxaana ay Sabab Uga dhigayaan in Dhulka ay Galmudug ku dagaalamaysaa uu yahay dhul Puntland leedahay, sidoo kala aysan reer Galmudug ku dooday lahaansha Dhulkaas.

Majirto Wax waan waan ah oo socota, sidoo kalana majirto wax isku day nabadeed ah oo muuqda, waxaana wali is hor fadhiya ciidamadii horay u dagaalamay, oo aan cidi u dhaxayn.

Dhagayso Dhalinyaro ka shaqaynaysa dhismaha Maxjarka.

Daawo sawirro

gg-20 gg-21 gg-22 gg-23 gg-24 img_0320 img_0322 img_0327 img_0328

Puntlandes.com

About The Author