OCHA: oo markii ugu horaysa war bixin kasoo saartay xaaladda bini aadantinimo ee magaaladda Gaalkacyto (khriso).

Magaaladda Gaalkacyo oo 8maalmood ee lasoo dhaafay ay ka jirtay colaad, ayaa waxaa ay haatan u muuqataa mid dagan in kasta oo ay wali jirto cabsidii colaada.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha bini aadantinimada ee UNOCHA, ayaa waxaa ay soosaartay war bixin ay uga hadashay xaaladda magaaladda Gaalkacyo, Dadkii ku barakacaya iyo xaaladda ay dadkaasi ku nool yihiin.

Warbix ayaa sheegatya in ay barakeceen ugu yaraan 50,000 (koton kun) oo qoys, halka maamulka Koonfurta Gaalkacyo ay sheegeen in ay Halkaas u barakeceen in kabadan 70,000 (Todobatana Kun) oo qoys, kuwaas oo intooda badani ah barakacayaal awal soo Barakacay.

Koofurta Gaalkacyo: Sida ay war bixintu xusayso nolosha barakacayaasha, u barakacay koonfurta ayaa aad looga dayrinayaa, iyaga oo sida ay warbixintu xustay, ubaahan Biyo.

Sida ay war bixintu suxayso, gar gaarka ugu badan ee ay dadkaasi u baahan yihiin ayaa ah biyo, waxaana haatan loo sameeyaa Biyo dhaamin, Kooxaha gar gaarka ayaa aad isugu hawlaya sidii ay caafimaadka uga caawin lahaayeen, meel ay ciridda ka galaana loogu heli lahaa.

Kooxaha Gar gaarka ayaa maalin kasta waxaa ay dhaamiyaan ugu yaraan 10,000LT (Toban kun oo litir) oo biyo ah, kuwaas oo loo qaybiiyo dadka ku sugan XAAR-XAAR (Tuulo Xaaraan).
War bixinta ayaa sheegtay in deegaanka Xaar-Xaarka loo raray xarumihii Quudinta iyo Daaweynta caruurta iyo hooyada si ku meel gara ah.

Waqooyiga Gaalkacyo: Dadkii ka barakacay waqooyiga oo iyagana intooda badi ah barakacayaashii magaaladda ayaa haatan waxaa u barakeceen Meelo aan magaaladda ka fogayn, inta badan dadkaani waxaa ay heleen, Biyo iyo gabaad ay siinayaan dadkii ay utageen, iyada oo ay jiraan dadbadan oo ugudbaya Gobolka Nugaal.

Sida warbixinta lagu xaqiijiyey, gar gaarka kaliya ee dadkaan gaaray ayaa ah, in ay jiraan kooxo caafimaad oo kormeeraya xaaladda caafimaadka ee dadka ku barakay deegaankaan.

Ugu danbayntii war bixinta ayaa inteeda badani waxaa ay ka dayrinaysaa xaaladda dadka ku barakay Koonfurta oo sida ay sheegtay 90% barakacayaal, oo haatan ku jira Nolol aad u adag.

Dadka ku barakacay Waqooyiga ayaa warbixin sheegatay, in ay hayso cimili adag maadaama lagu jiro xiligii la sugayey Roobka, sidaas darteedna ay u baahan yihiin wax yaabaha lagu hoydo iyo taakulo kale.

 

About The Author