Gaalkacyo: Wasiir Axmed Karaasha “Waa Run Gaalkacyo laba Maamul ma wada yeelanayso(Dhagaysi+Sawirro)

15 okt 2016 (Puntlandes) Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha iyo Dowladaha Hoose, ayna ka mid yihiin wasiirka hawlaha guud iyo gaadiidka, wasiirka deegaanka iyo duur joogta, xildhibaano, gudoomiyaha dagmada Dangorayo iyo ganacsatto, ayaa sooka kormeer ku tagay, xarunta laga dhisayo Sayladda xoolaha ee Kamaaladda Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Duqa Dagmada Gaalkacyo iyo xildhibaano golaha deegaanka dagmada Gaalkacyo, ayaa wafdiga soo dhaweeyey, Gudoomiyaha Gobola oo ka hadlay goobta ayaa Wafdiga uga warbixiyey Dhismaha iyo meesha uu marayo.

Dhagayso warbixinta Gudoomiyah.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose, oo ka mahad celiyey Sida wanaagsan ee loosoo dhaweeyey ayaa sheegay in shacab Gobolka Mudug ay dadaal iyo karti Muujiyeen.

Wasiirka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in maanta Galmudg ay sheegatto Garsoor laanta Labaad, wasiirka ayaa sheegay in Sayaladda kala wareejintu ay ka mid atahay Hor marada kasocda Wadanka Puntlandna aysan joojinayn hormarka ay doonayso in ay ku dhisto kaabayaasha dhaqaalaha.

Wasiirka oo ka jawaabaya hadal kasooyeeray Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa yiri “C/kariin waxaa uu ku hadlay hadalkii anaga Afkayagu kari waayey, anagoo wax badan xeerinayna, Waa runtiis, Gaalkacyo laba maamul mawada qaadayso, mana wada qaadi karto”

Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadaya Xili ay aad u adagtahay xaaladda Gaalkacyo, waxaana ilaa shalay laga nasanayey hugunka rasaasta iyo madaafiicda, shaqada magaaladda ayaana si caadiya u socota.

Dhagayso Hadalkii axmed Karaash.

Jaamac dhaga dheere oo ka mid ah Ganacsatada Puntland, ayaa isagu dhankiisa ka hadlay xaaladd magaaladda, waxaana uu sheegay in ay Gaalkacyo u joogaan difaaca Puntland, sidoo kalana ay u joogaan in ay Gaalkacyo dhisaan waxkasta oo hor mar ah oo looga baahan yahah.

Jaamaca ayaa waxaa uu ka hadalay meeshaan la dhisayo iyo waxa ay tahay “Meeshaani waa saylad, Maahan Maxjar, Maxjarka Koowaad iyo Kiilabaadba waxaa ay kuyaalaan Boosaaso ee halkaani maxjar maahan”

Dhagayso Hadalka Ganacsade Jaamac.

Daawo Sawiradii Sayladda.

capture-1 capture img_0365 img_0369 img_0374 img_0375 img_0377 img_0378 img_0385 img_0391 img_0397 img_0398 img_0404 img_0414 img_0415 img_0423

capture-2

231-6e2

231-6e3

Puntlandes.com

About The Author