FAALLO: Cabdi Qaybdiid oo Baarlamaanka Galmudug u doortay inuu ka mid noqdo Aqalka sare

15 okt 2016 (Puntlandes) Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo Soomaaliya caan ka ah ayaa waxaa goor dhow oo maanta ah Baarlamaanka Galmudug ee fadhigiisu yahay Cadaado u doorteen inuu ka mid noqdo Aqalka sare ee Baarlaamnak Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Cabdi Qaybdiid ayaa helay Codod aad u badan sidaasna uga guulaystay Musharixii la tartamayey oo lagu magacaabayey Maxamed Xusen Tahliil.

Hadaba waa kuma Cabdi Qaybdiid muxxuse ka turjumayaa Doorashadiisa?

231-6e4
Cabdi Qaybdiid 1991kii xiligii uu shacabka Xasuuqay!!

Cabdi Qaybdiid ayaa waxaa lagu xusuustaa Qaybtii uu kasoo qaatay dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay kana bilowday 1991kii, isagoo dad aad u fara badan ku Xasuuqay Magaalooyinka Gaalkacyo, Muqdisho iyo Kismaanyo, dadkaas oo aan wax dambi ah gelin aan ka ahyn Qabiilkay ka soo jeeden.

231-6e6

Cabdi Qaybdiid intii lagu jiray dagaalada Sokeeye ayaa waxaa General ku magacaabay AUN Gen Caydiid oo uu gacanyare u ahaa, gaar ahaan laynta dadka Shacabka ah.

AUN madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf ayaa u magacaabay Cabdi Qaybdiid Taliyaha Boolidska Soomaaiyeed, wuxuuna qayb wayn ku lahaa la dagaalankii Maxkamadihii Muqdisho lagaga dhawaaqay ee Cabdulaahi kasoo horjeeday.

231-6e5

Cabdi Qaybdiid wuxuu ugu dambayn noqday madaxweynaha Galmudug oo markaas ku koobnayd Xaafada Baraxleey ee koonfurta Gaalkacyo.

Doorashada Aqalka sare loo Doortay Cabdi Qeybdiid waxay ka tarjumaysaa inuusan Soomaaliya ka dhamaan Dagaalkii sokeeye walina ay ku jirto kala fogaanshihii kala dhexgalay ummadda Soomaaliyeed 1991kii, waxay kaloo ka tarjumaysaa Colaada Mudug ka aloosan oo aysan Muuqan Xal ka gaarideeda maadaama qayb ka mid ah dadka dega Gobolak Mudug muhiimna u ah inay nabadi ka aslaaxdo Gobolka ay wali ku jiraan dagaal oo ay iska soo hormariyeen Dagaal Ooge, Dhiigyocab ah aana hor fariisan karin ummadda Soomaaliyeed oo ay ahayd in laga qariyo si ay u hilmaamaan wixii uu u gaystay iyo XASUUQII uu ku sameeyey.

Dagaal Ooge Cabdi Qeybdiid maantay waxa dad Soomaaliyeed u doorteen inuu ka mid Noqdo Aqalka sare oo ka kooban 54 Xubnood ayna ahayd inay fariistaan dad Soomaali wax u qaban kara kana gadmi kar oo ay aamini karaan.

Doorashada Aqalka sare loo Doortay Cabdi Qeybdiid waxay si cad u bayaaminaysaa inay Gobolka Mudug iyo guud ahaan soomaaliya ay cagta saareen wado aan XASILOONI ahayn, wado dagaal wado aan Hubnayn oo mugdi ah.

Puntlandes.com

About The Author