Dhagayso: General Siciid Dheere ”Puntland cidna duulaan kuma aha laakiin ways difaacaysaa”

15 okt 2016 (Puntlandes) Taliyaha ciidanka difaaca dowladda Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid dheere), oo waraysi siiyey radio Daljir isagoo kusugan magaalada Galkacyo ayaa shaaciyey in dowladda Puntland aysan cidna weerar ku ahayn laakiin ay is difaacayso.

231-6e7

General Siciid Dheere aaya sheegay in haddii Puntland dadkeeda lasoo weeraro aysan gacmaha ka laaban doonin sidii dhacdayna ay difaaci doonaan shacabka iyo dhulka Puntland.

Taliyaha ayaa waxa uu ku dheeraaday nabadgelyada Galkacyo iyo qaabkii ay kusoo wada noolaan jireen dadka degan Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Galkacyo.

Dhagayso General Siciid Dheere


Puntlandes.com

About The Author