Xog: Sidee u dhacday doorashadii Galmudug qaybteeda koowaad

Doorashada Aqalka Sare ee Galmudug ayaa qaybteedii kowaaad la soo gabagabeeyey duhurkii maanta waxaan guushu ku raacaday 4 musharax oo la saadalinayey in ay ku soo bixi doonaan, waxaase jiray loolan adag oo dhex maray musharixiinta habeenkii xalay, waxaa magaalada Cadaado la isu furtay kiishadaha waxaana ka dhacday danyarow durug.

231-6e8

Sida aan xogta ku helnay kuraasta Aqalka Sare tartankiisa ayaa qiimihuusu gaaray kuraasta qaar 7,000 oo dollar halka kuraasta qaar aysan ku bixin wax lacag ah, sida kursiga Beesha Mareexaan iyo Sacad, tusaale ahaan kursiga beesha sacad ayaa markii hoolka la yimid ninkii la tartamayey Cabdi Qaybdiid isku dayey inuu tanaasulo balse gudiga doorashooyinka ayaa diiday una sheegay in la maro hab raaca doorashada dalka loo dajiyey, kursiga ugu qaalisanaa kuraasta aqalka sare ayaa ahaa kurisga ay ku tartamayeen Abshir Bukhaari, iyo Kamaal guutaale, waxaa la soo wariyey inu bukhaari uu bixiyey lacag gaaraysa 200,000 dollar habeenkii xalay sidaasna maanta guushu ku raacady.

Galabta ayaa waxaa laysugu soo noqon wareegii labaad oo ay ku tartamayaa beelaha Wacaysle, Cayr, Dir, iyo Duduble, waxaana jira sadaal la sii bixinayo oo ah in kuraastaas ay ku soo baxayaa raga ugu cad cad oo kala ah Ugaas dheg dheer, Cabdizamad Macalin, iyo Gabar ka socota beesha wacaysle.

Waxaa wali aan tartan loo galin kuraastii Puntland oo la sugayo in malinka barito uu dhaco tartankoodu, waxaana Puntlandes idiin soo gudbin doontaa hadaba sida ololuhu u dhaco iyo sadaasha cida laga yaabo in ay ku soo baxdo.

Puntlandes.com

About The Author