Wararkii ee ugu dambeeyey ee Magaalada Gaalkacyo iyo Abdulahi Yusuf Airport

130

Gaalkacyo (Pes): Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa ah in ilaa iyo xalay uu ka socday Qax xoog leh ama barakac Xaafada Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Baraxleey. Iyadoo ay dadkii ku noolaa Xaafadaas  ka Qaxeen Fitnada uu Hogaamiye Cabdi Qaybdiid ka hurinayo Magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug oo uu Qandaraas kaga soo qaatay Xasan Culusoow madaxa Villa Wardhiigleey.

 

Hogaamiye Cabdi Qaybdiid ayaa Goodin iyo Booloxooftayn ku jiray ilaa 30 ki july 2014 markaas oo kooxda Villa Wardhiigleey ee Xasan Culusoow hogaamiyaa ku dhawaaqeen in ay Gobolka Mudug ku darsadeen Gobolka Galgaduud. Iyada oo uu Qaybdiid hanjabaad toos ah u jeediyey Puntland gaar ahaan Garoonka diyaaraduhu ka haadaan ee Abdulahi Yusuf airport uuna ku hanjabay in uu xirayo.

 

Wararka laga helayo xaafada Baraxleey ayaa waxa ay ku waramayaan in Hogaamiye Cabdi Qaybdiid uu ka baxay xaafadaas uuna joogo Deegaanka Docol ee Duleedka Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo.

Dadka Qaraxaya ayaa u badan Dumar iyo Caruur,waxana ay dadkaasi ka barakacayaan Fidmada uu hurinayo Xasan Culusoow oo Qandaraas soo siiyey Hogaamiye Cabdi Qaybdiid oo u soo tafa xaytay sidii uu dagaal uga horin lahaa Gobolka Mudug.

 

Dowlada Puntland

Dhanka kale Wasiirka Amniga Puntland Mudane Xasan Cismaan Aloore ayaa sheegay inuu caadi yahay howlaha duulimaadka garoonka diyaaradaha Cabdillaahi Yuusuf ee magalada Gaalkacyo.

”Cabsiga kama qabno Cabdi Qaydbiid inuu nasoo weeraro, Puntland way isku fulin tahay Cabdi Qaybdiidna waa la yaqaanaa, balse waagii dagaal nooga yimaado Cabdi Qaydbiid Taariikhdu way qormaysaa Puntladnna way isku filan tahay.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inaysan Galmudug u diidin dhismaha garoon diyaareed hase yeeshee ay mamnuuc tahay in meel u dhow Garoonka diyaaradaha Cabdilaahi Yuusuf Garoon kale laga dhiso.

Ugu dambaytii Wasiirka ayaa sheegay inaysan raali ka ahayn nabadgalyo xumo ka dhacda Gaalkacyo iyo hareeraheeda, xaalada ammaan ee Garoonka diyaaradahana uu yahay mid wanagsan oo caadi ah, shacabka Gaalkacyo ayuu u sheegay Cabdi Qaydbiid hadaladiisa inuusan dhaawac ku samayn karin Garoonka diyaaradaha.

 

Wixii ku soo kordha kala soco Puntlandes.com

Puntlandes.com

 

About The Author