Akhri: War ka soo baxay maamulka uu hogaamiyo C/qaybdiid oo ku saabsan Garoonka Gaalkacyo

130

Gaalkacyo (Pes): Markii ay socon wayday Goodintii Cabdi Qybdiid ee shalay oo maanta ay hawlihii garoonka Abdulahi Yusuf Airport si caadiya u socdeen ayey shir ay yeesheen maanta maamul Xaafadeedka Galmudug ama Baraxleey ee Cabdi Qybdiid waxay soo saareen warsaxaafadeed.

 

Waxayna ku yiraahdeen ”Puntland waxay jebisay is afgaradkii xalay ee ahaa in aanu kulano 10 subaxnimo ee maanta iyadoo aan soo xaadirin”

Waxay kaloo ku doodeen in ”Puntland iska indho tirtay mabnuunidii uu Cabdi Qaybdiid mabnuucay in Garoonka Abdulahi Yusuf Airport Diyaaradi soo fariisato ayna joojiyeen iyagu, iyadoo Puntland ka soo dejisay Diyaarado maanta”

 

Waxay kaloo ku cataabeen in Puntland ay soo dhoobtay Ciidamo aad u fara badan iyagoo intaa ku sii daray in arintu ka wayn tahay Garoonka aan Xirnay ayna rabto Puntland in ay na qabsato oo Gobolka oo dhan xoog ku qaadato ayna tahay sababtay u diiday Puntland in la israaciyo Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

 

Ugu dambayntii maamulka Baraxleey ee Cabdi Qaybdiid ayaa dowlada Villa Wardhiigleey ee Xasan Culusoow ka codsaday in ay Garoonka Abdulahi Yusuf Airport ka dhigto mid ”QARAN”

 

Puntlandes.com

 

About The Author