Dhagayso:Hogaamiye Qaybdiid oo tak-tikadii Bedelay

Gaalkacyo (Pes): Hogaamiye Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid ayaa sheegay inuu ka laabtay xayiraadii uu ku Goodiyey in uu xiray Abdulahi Yusuf Airport ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,ka dib markuu arkay in Puntland ka hor degtay sugtay Garoonka amaankiisa.

 

”Reer Puntland waxaan ka baranay Diyaarad hawada maraysa oo xoog lagu soo dajiyey” ayaa ka mid ahaa hadala Qaybdiid

 

Hogaamiye Qaybdiid ayaa wuxuu yiri ”arintu alamtara waa soo dhaaftay” wuxuuna intaa ku sii daray in lala arko waxa ay Puntland wadaan. Waxaa xusuusin mudan in aysan ahayn Puntland wixii Colaada u durbaantumayey ee uu ahaa Qaybdiid.

Qaybdiid ayaa wali rajo ka qaba in Xasan Culusoow gii soo diray uu u soo dhiciyo Abdulahi Yusuf Airport isagoo ku baaqay in Xasan si deg dega uga soo gaaro.

”Waxaan u haystay dadka dibada wax ku soo bartay dad ilbaxa, laakiin waxaan arkaya kuwo xabad la ordaya” ayuu hadalka ku soo gabagabeeyey Qaybdiid oo u ekaa in runtu u run sheegtay.

Halkan ka dhagayso Qaybdiid

Puntlandes.com

About The Author