Xubintii ugu horaysay ee aqalka oo soobaxay iyo kii labaad oo hadda codayntiisii bilaabatay

Tartanka aqalka sare ee Dowladda Puntland u matalaya Soomaaliya, ayaa lasoo gaba gabeeyey, iyada oo ay ku tar tamayaan, labada Musharax ee Cumar C/rishiid Cali iyo Aamin Maxamed C/lahi.

Labada Musharax ayaa waxaa ay kala heleeb Cumar C/rishiid Cali oo helay 42cod iyo Aamin Maxamed C/lahi oo heshay 17 cod, waxaana saas kusoo baxay Cumar C/rishiid Cali oo noqonaya Xubintii ugu horaysay ee Soomaaliya aqalka sare u fariisan doonta Puntland.

Wareega labaada ayaa waxaa ku tar tamaya labada Musharax ee kala ah, Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr.C/raxmaan Sh.Maxamed Maxamuud Faroole iyo Cabdi Mahdi Cismaan, waxaana haatan socota codayntii labada Masharax.

Lasoco Wixii kasoo kordha

About The Author