Daawo Video: Madaxweyne Gaas oo ka caawinaya Xasan Culusoow sidii uu ku heli lahaa Lacagtii New Dealka

130

Shirkii Bryssel ee sanadkii hore waa tii Beesha caalamku u balanqaaday Madaxweynaha Villa Xamar lacag aad u fara badan taasoo ilaa iyo hada waxba la soo gaarsiin ka dib markii lagu helay musuqmaasuq baahsan, maamul xumo, ku tagrifal awoodeed, ku tumasho Dastuurkii lagu heshiiyey, carqaladayn Faderaalaynta dalka Soomaaliya iyo waxyaalo kaloo faro badan ayaa Beesha Caalamku xanibtay lacagtii ay balan qaadeen.

Waxaa lagu xiray sharuudo kuwaasoo ah inuu saxo waxyaalihii lagu haystay. Xasan wuxuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulayaa siduu ku heli lahaa lacagtaas.

150

Hadaba iyada oo la ogaa in ay go’nayd xiriirka Puntland iyo Villa Xamar waxaa reer Puntland shalay iyo maanta yaab ku noqotay markii la arkay Gaas oo ku caawinay Xasan Culusoow sidii uu lacagtaas ku heli lahaa. Isagoo u diray wafti culus oo ka kooban gacan yarayaashiisa iyo Agaasimayaal kor u dhaafaya 20 xubnood. Muraadka uu Xasan Culusoow uga codsaday caawintana waa in uu helo saxiixa reer Puntland si uu u buuxsho sharuudihii lagu xiray. Isagoo raba in uu la tago saxiixa Puntland shir uu ku baryootamayo oo dhawaan ka dhacya Kopenhegan Denmark.

158

Waxa wax shacabka Puntland ka daadegiwaayey ah in uu Gaas caawiyo Culusoow in uu dhaco lacag loogu talo galay Soomaali oo dhan. Waxaa taa kasii daran in uu caawiyo nin weerar ku ah har iyo habeen Puntland. Waxaana la iswaydiinayaa waxa uu Dr Gaas foolxumadan ku bedeshay?

Halkan ka daawo Video ka hadlaya Shir Xamar ka socda

Puntlandes.com

About The Author