Sawiro: Hotel Cusub oo laga furay Magaalada Baargaal ee Gobolka Gardafuu

Munaasabad lagu furayay Hotel cusub ayna ka soo qeyb galeen marti sharaf kala duwan oo ka kooban qaybaha ka gadisan ee bulshada,oo ay ka
mid ahaayeen Gudoomiya Degmada Baargaal Abuukar axmad yuusuf,
kuxigeenkiisa iyo xoghayaha Degmada Baargaal Nabadoono, culima udiin,
ganacsato iyo marti sharaf kale ayaa maanta ka dhacday dhismaha
hotelka cusub ee Salaama Hotel ee Baargaal.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Baargaal yusuf maxamed xirsi oo
munaasibada ka hadlay ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in degmada laga
furo hotel noocaan oo kale ah taa uu tilmaamay in qeyb ay ka tahay
horumarada ay ku tilaabsaneyso magaalada Baargaal,isagoo xusay
hotelkani wax badan muhiim uu ugu yahay magaalada.

Nabdoon Axmad salaad C/raxmaan oo isna ka hadlay Munaasibada ayaa
Sheegay Inuu Ugu Hambalyaynaayo Mulkiilaha hotelka maalgashaday
Dalkiisa Isagoo Intaa ku daray Inuu Hotelka Salaama yahay Mid ay
Bulshadu u Baahnayd wuxuuna Ilaahay uga Baryay Inuu u Barakeeyo
Ganacsigiisa.

Guddoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar axmad yuusuf oo isna hadal
kooban ka jeediyay halkaasi ayaa sheegey in ka maamul ahaan ay soo
dhaweynayaan furitaanka hotelka cusub isagoo intaasi ku daray in
dhismaha Hoteelkaan waxa weyn ka badalay bilicda magaalada
Baargaal,waxuuna ganacsatada ka soo jeeda Gobolka Gardafu ugu baaqay
in ay maalgashi ku sameeyaan Deegaanka.

Gabagabdii munaasabada ayaa mulkiilaha Salaama hotel Cumar Maxamuud
axmad ( Cumar Qariib)wuxuu marti sharaftii ka soo qaybgashay
munaasabada kormeer ku tusay qaybaha uu ka koobanyahay hoteelku.

Cumar Maxamuud axmad ( Cumar Qariib) ayaa sheegay iney gacmo furan ku
soo dhoweynayaan
qeybaha kala duwan ee bulshada dooneysa iney Salaama Hotel la
macaamilaan sida qurba-joogta, ganacsatada, waxgaradka masuuliyiinta,
ururada bulshada iyo dhamaan cidii daneyneysa hotelka.

Hotelka Salaama Hotel ayaa ka mid noqonaya
dhismayaasha quruxda badan ee qeybta ka ah horumarada kala duwan ee ay
ku talaabsaneysay magaalada Baargaal, iyadoo furitaanka Salaama Hotel
ay soo dhoweeyeen bulshada qeybaheeda kala duwan.

Halkan ka daawo Sawiro
370

371

372

373

374

375

376

377

378

379
Daabacaada: Puntlandes

 

About The Author