Dhagayso:Alshabab oo lawareegtey Halgan wax yar kadib markii Ciidanka Itoobiya baneeyeen

23 okt 2016 (Puntlandes) Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Alshabaab ay la wareegeen deegaanka Halgan ee ku yaala duleedka magaalada Beledweyne.

231-7c8

Boqolaal ka Tirsan dagaalyahanada Alshabaab oo wata gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan  ayaa saakay lagu arkayaa deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, kadib markii ay ka bexeen ciidanka Itoobiya iyo kuwa DFS.

Dhowaan ayey ahayd markii Alshabaab ay qabsadeen deegaanka muhiimka u ah xeeladaha dagaal ee gobolka aHiiraan ee Ceel-cali oo ay ciidanka Itoobiya baneeyeen.

Ilaa hadda DFS iyo AMISOM kama hadlin sababaha keenay in ciidanka huwanta ah bilaabeen bilihii ugu dambeeyey banaynta fariisimadii ay kusugnaayeen oo Alshabaab lawareegtey.

Dhagayso warbixin ay BBC ka samaysay


Puntlandes

About The Author