Gaalkacyo: Xaaladdii ugu daybaysay iyo Khasaarihii ka dhashay labada Dhinac.

23 okt 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay usoo gudbinaysaa Akhristayaasheeda warbin koobaysa dagaalkii shalay iyo xaalada Gaalkacyo iminka ku sugan tahay:

226-c7

Xaaladda maanta.
Magaaladda ayaa maanta dagan kadib dagaal Kharaar oo maalinkii shalay ka dhacay duleedka Koonfur Galbeed ee magaaladda Gaalkacyo, dagaalkaas oo dhashay kadib markii ay weerar soo qaadeen Ciidanka maamulka Galmudug.

Subaxnimadii hore ee saaka ayaa mar waxaa la maqlay rasaas teel teel ah, taas oo ka dhalatay kadib markii ay ciidan yar oo Galmudug katirsan, ay rasaas ku rideen ilaalada ciidanka Dowladda Puntland, inkasta oo ay ciidamada dowladdu ka jawaabin rasaastaas.

img_0296

Dhamaan suuqyada, iyo xarumaha dadweynaha ayaa shaqaynaya, markii laga reebo kuwa xarumaha Waxbarashada, waxaana moodaa in dagaalkaani uusan saamayn weyn ku yeelan isu socodka Ganacsiga, inkasta oo ay jirto in magaaladda laga saaray Maatada waayeelkii iyo caruurtii, oo laga fogeeyey daryanka madaafiicda, mararka qaar si xoog ah magaaladda looga maqlo.

Khasaarihii Dagaalkii Shalay.

Khasaarihii ka dhashay dagaalkii shalay ayaa waxaa uu ahaa mid ka balaaran kuwii horay uga dhashay Dagaaladii hore.

Puntland: Ciidanka Puntland oo ku jiray difaac ayaa waxaa soo gaaray khasaare nafeed, kaas oo isugu jiray Dhaawac iyo Dhimasho, Inta la xaqiijiyey waxaa dhntay 3askari, halka ay dhaawacmeen 5kale, wax khasaare gaadiid ah majirin.

Galmudug: Sida uu noo xaqiijiyey mid kamid ah wariyayaasha ka hawl gala Koonfurta Gaalkacyo, waxaa Shalay Galab isbitaalka la keenay 9nin oo mayd ah, ah xalayna waxaa lasoo helay 7 ruux oo kale kuwaas oo markii hore aan la ogayn, intaasna waxaa weheliya 2 nin oo dhaawacii ku dhintay, sida uu noo xaqiijiyey dhimasha guud waa 18 ruux.

Dhaawaca ayuu noo sheegay in uu gaarayo 16 qof, inkasta oo ilo kalana ay noo xaqiijinyaa in dhaawacu yahay 21 qof, dhimashadu ay tahay 19ruux, oo ay ku jirto haweeney gaari Darawal ka ahayd.

Khasaare gaadiid ayaa soo gaaray sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Puntland, Shacab dagaalka ka agdhawaa ay noo xaqiijiyey in ay arkayeen 2Gaari, oo laga cararay kuwaas oo mid ka mid ah uu Gubanayo, uuradiisana laga arkayey Magaaladda.

Wararka la xiriira Alshabaab.

Al-shabaab: Xarakada Alshabaab ayaa waxaa ay markii ugu horaysay ka hadashay dagaaladda kasoconaya Gaalkacyo, iyaga oo shacabka ugu baaqay in ay iyaga kusoo biiraan, waxay kale oo ay xaqiijiyeen in dhamaan Koofurta Gobolka Mudug ay iyagau gacanta ku hayaan.

Dhagayso Alshaab oo Dagaalaka Gaalkacyo ka hadashay

Dowladda Federaalkaa: Dowladda Federaalkaa ayaa war ay kasoo saartay dagaaladda Gaalkacyo, waxaa ay ku beenisay in ay qayb ka tahay dagaalka magaaladda Gaalkacyo, waxaa kale oo ay qoraalkaas ku muujisay in ay Markasta eeda dusha ka saarayaan Puntland, ayna Puntland waddo qaska Gaalkacyo, Dowladda Puntland wali kama hadlin Arinkaas.

muqd

 

Nabadaynta.

Ilaahadda majirto wax waan waan, wada hadal ama u kala dab qaad ah oo ka jira magaaladda Gaalkacyo, dhibaatada ugu weyn ayaa ka jirta dhinaca Galmudug, oo maamulkuna uu si adag uga hadlayo, Odayaashiina la xir xiray kadib markii ay isku dayeen in ay bilaabaan wada hadalo u dhexeeya labada dhinac.

Nabadaynta ayaa sii fogaatay kadib markii ay dagaalka isaga bexeen qaar ka mid ah beelaha Galmudug, kuwaas oo sheegay in ay eegayaan dhinaca wanaagsan iyo masiirka Magaaladda oo ay iyagu leeyihiin, dagaalka waxaa haatan ku jira Ciidamo kasoo jeeda Gobolka Galgaduud, kuwaas oo aan dan ka lahayn dhibaatada Soo gaaraysa dadka Reer Gaalkacyood ee u Qaxaya Koonfurta Magaaladda Gaalkacyo.

San-saanta Dagaalka.

Magaaladda Gaalkacyo waxaa ay harsanaysaa hogo colaadee iyo Hanfi Abaareed, dhinac waxaa ka jirta Roobkii oo aan wali lahayn, abaaro dad iyo duunyaba naafeeyey oo ka jira dhulka ku xeeran Magaaladda Gaalkacyo.

231-6b5

Ciidamada ayaa wali is horfadhiya, waxaana muuqata kala fogaansho ka imaanaya labada Dhinac, taas oo ay keenayso dhul boobka Galmudug iyo kala duwanaanshaha Siyaasadeed ee labada Maamul, sidoo kalana waxaa xaaladda Cakiraya odayaasha labada dhinac oo xaalka samata bixin jiray, kuwaas oo haatan ay Maamulka Galmudug udiideen in ay soo dhex galaan arinta.

 

Puntlandes.com

 

About The Author