Sawiro: Ergada Gaas u dirsaday Xamar ma haystaan maandhayd shacabka Puntland siiyeen oo ay wax ugu saxiixi karaan Xasan Culusoow

130

Waxaa maalintii labaad galay shirka New Deal ee ka socda magaalada Xamar , islamarkaana ay ka qayb galayaan Ergo aad u hoosaysa oo u badan Gacanyarayaasha Madaxweyne Dr Gaas ahna ku dhawaad 24 xubnood oo ka tagay labo maalin ka hor Magaalada Garowe, Kuwaas oo ka tirsan Wasaaradaha, Madaxtooyada iyo Ururada Bulshada Rayidka ee Puntland.

Xubnaha ka qeyb galaya kulanka ay soo qaban qaabisay wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga dowlada xasan Culusoow ayaa maanta saddex saddex kooxood loo qaybiyey, waxayna aragtiyadooda ka dhiibanayaan hanaanka Somaliya lagu gaarsiin karo qorshaha la magac baxay Hiigsiga Cusub ee bilihii lasoo dhaafey ka soconayay Xamar ayna garwadeenka ka tahay dowlada Xasan Culusoow.

Ajandaha ugu muhiimsan kulanka ayaa la xiriira sida lagu xalin karo caqabadaha ka taagan qaar ka mid ah gobolada Somaliya,kuwaas oo ay qeyb ka yihiin Amniga, Dib eegista Dastuurka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Siyaasadda sida uu kulanka ka sheegey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee dowlada Xasan Culusoow Cabdulaahi Goodax Barre.

 

Si kastaba ha ahaatee Shabakada wararka ee ku hadasha afka Villa Xamar ayaa baahisay in ”Ergada ka qeyb galaysa shirka ayaa ajandaha ugu muhiimsan ee lagu go’aaminaya ay tahay sida lagu xalin karo caqabadaha ka taagan qaar ka mid ah gobolada dalka” Waxau ula jeedaan sidii Mudug lagu boobi lahaa

Inta badan xubnaha Puntland uga qeyb galaya kulanka ka socda Xamar ayaa ah Agaasimo waaxeedyo ka tirsan Wasaaradaha  iyo Madaxtooyada Dowlada Puntland sida ka muuqata sawiro laga soo qaaday goob joogayaasha kulanka oo ay baahisay warbaahinta Xamar oo aad ula yaaban in Gaas u soo dirsado Ergo isagoon dadkiisa ka haysan ogolaansho.

 

Waxaana lagu wadaa kulanku inuu soo xirmo maalinta berta ah islamarkaana laga soo saaro war murtiyeed/Heshiis ku saabsan Ahmiyadda uu bulshada Xamar u leeyahay qorshaha ay wadato kooxda Villa Xamar.

Shirarka Puntland uga qeyb galayso Muqdisho ayaa imaanaya xilli aysan wali heshiis buuxa ka gaarin Puntland iyo Dowlada Xasan Culusoow khilaafkii u dhexeeyey , islamarkaana uusan si rasmiya u cadeyn Madaxweyne Gaas inuu ka laabtey iyo in kale go,aankii uu horey ugu shaacyey inuu jarey wada shaqeyntii u dhaxaysay Villa Xamar.

 

Waxaa iswaydiin mudan ma leeyihiin sharciyadii iyo awoodii ay kooxdan Gaas dirsaday heshiis ay Puntland ku matalayaan ugu saxiixaan Xasan Culusoow? Ma haystaan maandhayd cad oo shacabka reer Puntland ay wakiil uga yihiin? Haddii ay yihiin sida cadaanka ah koox Gaas dirsaday wakiilna ka ah maxaa laga yeelayaa? Mise Puntland Gaas baa leh? Oo sharci iyo dowladnimo midna kama jiro?

 

Puntlandes wuxuu u taagan yahay ilaalinta Puntland

Halkan ka daawo sawirada
285

284

283

282

281

280

360
Puntlandes.com

 

 

 

 

About The Author